Dagaal culus ayaa waaberigii saaka ka bilowday Baydhabo, kadib markii xoogag taabacsan maamulka C/Casiis Laftagareen ay weerar culus kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Xasan Sheekh ka deggen yihiin gudaha iyo hareeraha magaalada.
Ugaas Xasan, Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Laftagareen, ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay subaxnimadii Isniinta weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada federaalku ku leeyihiin Baydhabo, isagoo maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ugu baaqay inay isa soo dhiibaan.
Waxa uu dhanka kalena ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baydhabo, inay ku ekaadaan guryahooda inta hawl-galku uu socdo. Waxa kale oo Ugaasku uu ku sheegay war kale oo goor dambe uu soo saaray in ay gubeen kaydad hub ah iyo gawaari gaashaaman.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo tiro badan ay magaalada soo galeen, waxaana la warinayaa in qaraxyo xooggan laga maqlay agagaarka fariisimo militari, oo ay ku jirto xerada Qaybta 60-aad ee waxa loogu yeero Ciidanka Xoogga Dalka, kaddibna waxaa goobahaas laga arkay qiiq.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in xoogagga daacadda u ah C/Casiis Laftagareen ay gacanta ku dhigeen qaybo badan oo ka tirsan Baydhabo. Sidoo kalena weli dagaallo culus ay ka socda qaybo kale oo ka mida xaafadaha magaalada.
Fariisimo difaac ayaa lasoo wariyey in ciidamada Laftagareen ay ka sameysteen qaybo ka mid ah xaafadaha Baydhabo iyadoo qaar ka mida saraakiishooda lagu arkay gudaha magaalada, waxaana weli socda dagaallo xooggan sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.
Dagaalkan saaka ka socda magaalada Baydhabo ayaa weji hor leh oo cusub lasoo baxay, kadib markii sida wararku ay tibaaxayaan la arkay xoogagga Laftagareen oo markii ugu horreysay weerarkan u adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka.
Sida ilo-wareedyo maxalli ah ay sheegayaan, kooxda Laftagareen waxay saldhigyada ciidanka iyo gaadiidka gaashaaman ku gubayaan diyaaradaha is-qarxiya ee Drones-ka. Waxaana lasoo tebiyey uuro xooggan oo ka kacday qaar ka mida bakhaarrada kaydka hubka.
Ilo-wareedyo ay soo xigteen qaar ka mida warbaahinta maxalliga ayaa sheegay inay arkeen drone sidday walxaha qarxa. Iyadoo dhanka kalena baraha bulshada lagu faafiyey askari la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Aadan Madoobe, kaas oo la arkayo isagoo rasaas cirka u furaya.
Sido kale sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Drone ay gacanta ku hayaan qaar ka mida askarta Aadan Madoobe, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Drone-taasi ay ka mid ahayd diyaaradihii ciidamada Laftagareen ay saaka isticmaalayeen.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Gurguurte ay waddo cadaadis ay ciidamada AUSSOM, gaar ahaan Itoobiyaanka ku sugan Baydhabo ku saarayso sidii ay ugu gurman lahaayeen kooxda Aadan Madoobe ee dagaalka ba’ani ku haysto gudaha magaalada.
Maleeshiyaadka taabacsan Gurguurte ee Aadan Madoobe ayaa lasoo tebiyey in iyaguna ay adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu ku caawiyey kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh.
Si kastaba dagaalku weli waa socdaa, xaaladduna saaka waa ay ka duwan tahay sidii hore, waxaana dagaalladan maanta kusoo biiray diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac ee Laftagareen iyo Gurguurte.
