Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu gaystay dalka Koonfur Afrika.

Saturday September 26, 2026 - 18:41:41
MeMO Staff
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay weerar kooxo hubeysan oo burcad ah maanta ka gaysteen duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Dhacdadan oo si gaar ah looga laga soo tebiyay deegaanka Dunoon ee dhaca duleedka magaalada Cape Town, ayaa lagu dilay 2 ganacsade oo kasoo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsaday goob ganacsi oo ay kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Ilo wareedyo gudaha ah ayaa soo sheegay in labada qof ee weerarka kooxda burcadda lagu dilay lagu kala magacaabi jiray Maxamed Muxumed Booloow iyo Cabdullaahi Cunshur Xassan.

Qof saddexaad ayaa la xaqiijiyay in kooxda weerarka gaysatay dhaawaceen, ugu dambeynna goobta ayay ka baxsadeen, ciidamo Booliis ah ayaa goobta tagay sida ilo wareedyo sheegeen.

Sawirro iyo muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay gaari nooca gurmadka deg degga ah oo lagu qaadayo maydadka ganacsatada iyo dadyow badan oo goobta soo buuxdhaafiyay.

Booliska ayaa lasoo wariyay inay goobta baaritaanno ka wadaan, howlgallada baaritaannada ah ee Booliiska Koonfur Afrikaanka ah ka sameeyaan goobaha lagu dilo ganacsatada Soomaaliyeed ayaan soo saarin wax natiijo ah.

Related Items

Update cookies preferences