Gobolka Gaarisa, waxaa ka dhacay maanta oo Axad ah weerar kamiin ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay u dhigeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah.
Sida ay xogtu tibaaxayso kolonyadan ciidamada Kenyaatiga ah ayaa la weeraray xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Haluuqa.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey in garneelada garbaha laga rido ee RPG-ga la heleen gaari Kooyal ah oo ka mid ahaa kolonyada.
Xogta ayaa intaas ku dartay in uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ciidamada Kenya lagu gaarsiiyey weerarkaasi dhabbo-galka ah.
Sidoo kale, Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadday xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Sariiraha oo dhaca xad-beenaadka u dhaxeeya gobolka Jubbada hoose iyo dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Geesta kale, waxaa faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxday khasaaraha weerar kamiin ah oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Xarardheere iyo deggaanka Ceel-huur ee gobolka Mudug.
Weerarkan ayaa sida aanu xogta ku helnay lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Villa Soomaaliya, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Mid ka mida saddexda askari ee dhaawacantay ayaa lasoo xaqiijiyey in mar dambe uu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray hawl-galkaasi.
