Taliyaha guud ee Ciidamada Xabashida Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa Eritrea, Suudaan iyo Masar ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubaysan oo Itoobiyaan ah oo doonaya inay xukunka ka tuuraan Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Jula oo la hadlay warbaahinta ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in Eritrea ay door dhexdhexaadin ah ku leedahay isku xirka kooxaha gudaha Itoobiya iyo dhinacyada dibadda. Waxa uu sheegay in isbahaysigaasi uusan awood u yeelan karin inuu si dhab ah ula dagaallamo ciidamada federaalka Itoobiya haddii uusan helin saanad iyo taageero dibadeed.
Birhanu wuxuu isbahaysiga cusub ugu yeeray Tsimdo oo horey loogu eedayn jiray inuu yahay isbahaysi ka dhaxeeya Tigrey iyo Eretrea, isagoo sheegay inuu yahay isla isbahaysi hore oo wata magac iyo muuqaal cusub oo hor leh.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya wuxuu sheegay in kooxaha hubaysan sida TPLF, OLA iyo Fano aysan kaligood lahayn awood ay kula dagaallami karaan ciidanka federaalka, sidaas darteedna ay isku dayayaan inay mideeyaan awooddooda.
TPLF, Fano OLA iyo ONLF ayaa ka mida todobadan kooxood ee dhowaan gudaha Itoobiya kaga dhawaaqay inay u midoobeen sidii xukunka looga tuuri lahaa R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa oo fadhigeedu yahay Addis Ababa.
Dhanka kale iyo xiisadda gobolka Tigray isagoo ka hadlaya, Birhanu wuxuu sheegay in TPLF ay si weyn u daciiftay, waxaanu wacad ku maray in haddii ay sii waddo waxa uu ku tilmaamay kicinta colaadda, ay la kulmi doonto cawaaqib millateri oo culus.
Eritrea weli kama jawaabin eedaymahan cusub, balse hore ayay u beenisay inay taageerto kooxaha fallaagada ah ee Itoobiya. Birhanu ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo si madax-bannaan loo xaqiijiyay oo taageeraya eedeymahiisa.
