Al-Shabaab oo magacawday Guddiga Maareynta Xaaladaha Deg-degga ah. [BAYAAN]

Sunday September 27, 2026 - 15:32:23
MeMO Staff
Xarakada Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku magacowday guddi qaabilsanaan doontaa maareynta xaaladaha deg-degga ah, xilli la filayo roobabkii xilliga Dayrta.
Guddigan waxaa mas'uul guud looga dhigay Sheekh Maxamad Abu Cabdalla, oo hore usoo noqday guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobollada Jubooyinka iyo Shabeellada hoose. Waxaanu bayaanka oo dhamaystirani u qornaa sidan:

"MAGACAABISTA GUDDIGA MAAREYNTA XAALADAHA DEG DEGGA AH’

16 Rabicu-Thani 1448 H / 27 Sebtembar 2026.

Ayadoo la filayo in dhawaan ay billawdaan roobabkii xilliga Dayrta, la garawsanayo masuuliyadda Wilaayaatka Islaamiga ah ka saaran bulshada Muslimka ah, lana tixgelinaya muhiimadda ay leedahay in loo diyaar-garoobo xaaladaha cimilo ee saamayn kara nolol-maalmeedka bulshada, iyo degaanka, wuxuu Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dhawaaqayaa Guddiga La socodka iyo maaraynta xaaladaha deg degga ah ee cimilada.

Guddiga oo ka kooban culimo, odayaal dhaqan, aqoonyahanno, ganacsato iyo masuuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta. wuxuu mas’uul ka noqonaya:

1- Qiimayn joogto ah oo lagu sameeyo xaaladda roobabka iyo heerka biyaha wabiyada.
2- Diyaarinta qorshayaal degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladaha halista ah.
3- Wacyi-gelinta bulshada, gaar ahaan kuwa u nugul saamaynta cimilada.
4- Isku-dubbaridka iyo diyaarinta gurmadka goobaha looga baahdo.
5- Ka warbixinta hawlaha gurmadka iyo hadba wixii soo kordha.

Guddiga waxaa masuul guud ka ah Sheekh Maxamad Abu Cabdalla, waaligii hore ee wilaayaatka Islaamiga ah ee Jubooyinka iyo Shabeellada hoose.

Hoggaanka Xarakada, wuxuu maamullada Wilaayaadka farayaa iney si dhow ula shaqeeyaan gudiga, una fududeeyaan hawlihiisa. Sidoo kale waxaan dadka Muslimiinta ah ugu baaqaynaa iney guddiga la shaqeeyaan, kana qayb qaataan taageerada bulshooyinka beeraleyda iyo xoola-dhaqatada haddii ay la kulmaan dhibaato ka dhalata xaaladaha cimilada.

وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان

Soomaaliya waa dal u nugul fatahaadaha iyo abaaraha, iyadoo isbadallada roobka ay si toos ah u saamayn karaan nolol-maalmeedka bulshada. Sidaasi darteed, Mujaahidiintu waxay muhiimad siinayaan u toog-heynta xaaladahaas kahor inta aysan dhibaatadu dhicin - Ilaahey ma qadaree.

Waxaan Allah ka baryaynaa inuu roobabka Dayrta ee soo socda nooga dhigo kuwo barako iyo barwaaqo wata, kana ilaaliyo bulshooyinkeena dhibaato kasta oo roobabku keeni karaan.”

Related Items

Update cookies preferences