WARBIXIN: Dagaalka culus ee ka socda waqooyiga Itoobiya iyo xogihii u dambeeyey.

Saturday September 26, 2026 - 14:37:42
MeMO Staff
Waxaa sii xoogaysanaya dagaallada culus ee ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobollada Amxaarada, Tigreega iyo Canfarta, kaas oo dhex-maraya jabhadaha ku midoobay wax ay ugu yeereen isbahaysiga badbaadada iyo ciidanka Xabashida Itoobiya.
Mucaaradka oo isku dayaya in ay halbowllaha ka jiraan dowladda Itoobiya kadib markii ay ku duuleen wadada weyn ee isku xirta Jabuuti iyo Addis Ababa.

R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sida ay sheegtay warbaahinta Africa Intelligence, digniin u diray diblomaasiyiinta reer-galbeedka ku sugan Addis Ababa, isagoo si cad ugu sheegay in dagaalka ka qarxay gobolka Tigrey uu halis-gelinayo jiritaanka Itoobiya.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan waqooyiga Itoobiya ugu baaqay inay ka baxaan gobollada Tigrey-ga, Amxaarada iyo Canfarta, ama ay goobaha ay deggen yihiin kusii sugnaadaan ilaa inta ay xaaladdu kasoo raynayso.

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa oo Jimcihii soo saartay digniintan amni, ayaa si buuxda uga digtay safarrada lagu tagayo saddexdan gobol, kadib markii ay sii xoogaysteen dagaallada ka socda agagaarka Lalibela iyo guud ahaan waqooyiga Itoobiya.

Duulimaadyada Ethiopian Airlines ee Lalibela ayay safaaraddu sheegtay in la hakiyay, Iyadoo dhanka kalena safaaraddu ay xaqiijisay in adeegyada internetka iyo taleefannada laga jaray gobolka Tigray.

Afar qof oo xog-ogaal u ah arrintan, oo ay ku jiraan ilo diblomaasiyadeed, ayaa Reuters u sheegay in kooxda TPLF, ay ku amartay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Safaricom iyo shirkadda dowladda ee Ethio telecom inay gobolka ka jaraan adeegyada taleefannada iyo internet-ka.

Mid ka mid ah ilaha ayaa horey u sheegay in xannibaadda TPLF ee isgaarsiinta moobilka ay qayb ka noqon karto xeelad lagu wiiqayo adeegsiga drones-ka ee ciidamada dowladda, maadaama ay xaddideyso helitaanka shabakadda moobilka.

TPLF kama aysan jawaabin codsi ay Reuters u dirtay oo ku aaddanaa faahfaahinta arrintan. Ilo ku dhow kooxda, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa beeniyay in TPLF ay mas’uul ka tahay tallaabadan, wuxuuna eedda dusha ka saaray xukuumadda Abiy Axmed.

Afhayeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, shirkadda Ethio telecom iyo laanta Safaricom ee Itoobiya ayaa iyaguna ka gaabsaday inay ka jawaabin codsiyo ay Reuters u dirtay oo ku saabsanaa faah-faahin-ka-bixinta arrintan.

Dadka deggan gobolka Tigray ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Ethio telecom ay shaqada joojisay dabayaaqadii Khamiista, taasoo meesha ka saartay adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin adeegyada lacagaha lagu diro ee moobilka.

Geesta kale, Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii jimcaha iska caabiyey weerar culus oo fallaagada Tigray ay ku qaadeen gobolka Canfarta. Waxaanay ilo-wareedyo ku sugan gobolka Canfarta ay sheegeen in dagaal culus uu habeennimadii jimcaha ka socday agagaarka magaalada Abala, oo ku taalla dhulka buuraleyda ah ee xadka la leh goboka Tigray.

Ciidanka federaalka oo adeegsanaya diyaaradaha Drones-ka ayaa la sheegay in fallaagada TPLF oo doonaysay inay gudaha u gasho magaalada, ay ku qasbeen inay dib gurtaan. Iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in TPLF ay magaalada la wareegtay isla markaana ciidanka federaalka uu ku hareeraysan yahay.

Sidoo kale dagaallo culus ayaa Khamiistii ka dhacay Aagga Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, oo ay ku jiraan deegaanno ku dhow goobo caan ku ah kaniisado waaweyn oo laga qoday buuro hoostood, loona yaqaano Goobaha Dhaxalka UNESCO ee Lalibela.

Dagaalladan ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa hadda ku urursan laba aag oo waaweyn:

Midka koowaad waa gobolka Amxaarada, meel u dhow xadka uu la wadaago Koonfurta Tigray, halkaas oo ciidamada Tigray iyo maleeshiyaadka Fano ee Amxaaradu ay 23-kii Sebtembar oo ahayd arbacadii ay weerar dhulka ah ku qaadeen ciidamada federaalka.

Goobta labaad ee dagaalku ka holcayo waa xadka u dhexeeya Tigray iyo gobolka Canfarta ee dhanka bari. Halkaas, isla Arbacadii, TPLF ay weerar ku qaaday koox hubeysan oo Tigrey ah oo taageersan dowladda isla markaana ka soo horjeedda TPLF.

Arrinta dabka kusii hurinaysa xaaladda ayaa la sheegay in sidoo kale ay tahay in koox hubaysan oo ka soo horjeedda dowladda oo ka tirsan Canfarta ay iyaguna dagaalka ku biireen, isla markaana TPLF ay ku garab siiyeen laba goobood oo ku yaalla xadka Tigray-ga iyo Canfarta.

Weerarradan ka socda jihooyinka dhowrka ah ayaa u muuqda inay yihiin isku-daygii ugu horreeyay ee isbahaysiga cusub ee mucaaradku uu ku fuliyo tallaabo militari oo isku-dubbaridan oo ka dhan ah dowladda federaalka Itoobiya.

Muxuu yahay guuxa la sheegay inuu ka dhex bilowday Jabhadda Xoreynta Oromada kadib ku-biiristii isbahaysiga cusub?

Jabhadda ka hawl-gasha gobolka Oromada ee magacooda loosoo gaabiyo OLA, ayaa ka mid ahayd todobada kooxood oo dhawaan ku midoobay magaca Isbahaysiga Ciidamada Shacabka ee Badbaadada Itoobiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin TPLF iyo Fano.

Go’aanka ay kooxdani ku gaartay ku-biirista isbahaysigan ayaa warbaahinta Africa Intelligence ay sheegtay inuu ahaa mid dood iyo wada-xaajood xooggan ka dhex abuuray hoggaanka gudaha ee jabhadda Oromada, xilli lagu guda jiray diyaarinta bayaanka wadajirka ah, ka hor intii aan lagu dhawaaqin isbhaysigaasi.

Sida ay xogtu tibaaxayso, ilaa daqiiqaddii ugu dambaysay, waxaa jirtay ka laba-labayn iyo hubanti la’aan xooggan oo ka dhex aloosnayd taliska guud ee Jabhadda Oromada. Arrintaas oo dhowr jeer dib u dhigtay ku dhawaaqista isbahaysigan, kaas oo ugu dambayn la shaaciyey 20-kii bishan lagu jiro ee Sebtembar 2026.

Toddobaad ka hor inta uusan bilaaban kororka colaadaha milatari, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Ridwan Xuseen, oo wada-hadallo la lahaa diblomaasiyiin reer Galbeed ah, ayaa la sheegay in ay filayeen in OLA ay ka laaban doonto go’aankeeda ku aaddan ku biirista isbahaysiga.

Geesta kale, 17-kii Sebtembar, maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka Oromiya ayaa soo saaray bayaan ay ku beeninayaan wararka sheegayay inay ku biireen isbahaysiga loo yaqaan "Tsimdo”, oo ah eray markii hore lagu tilmaami jiray iskaashigii u dhexeeyay Jabhadda TPLF iyo Eritrea.

Waxaa hadda si rasmiya loo xaqiijiyey in OLA, oo hoggaamiye uu ka yahay Kumsa Diriba, oo sidoo kalena loo yaqaan magaciisa dagaalka Jaal Marroo, ay ku jirto isbahaysigan, hadday noqoto dhanka siyaasadda iyo sidoo kale dhinaca millateriga. Waxaanay Africa Intelligence ay go’aankaasi ku sifaysay mid cadaadis xooggan ku kordhinaya R/Wasaare Abiy Axmed.

Ku biiritaanka rasmiga ah ee OLA ee Isbahaysigan iyo xiriirka ay la yeelatay TPLF, oo muddo 30 sano ah door weyn ku lahayd siyaasadda Itoobiya iyadoo qayb ka ahayd isbahaysigii EPRDF, oo hadda meesha ka baxay, ayaa la sheegay in uu wiiqi karo taageerada OLA ay ku leedahay Oromiya.

Marka laga soo tago arrintaas, hoggaamiyeyaasha OLA ee saluugga muujiyey, waxay doonayeen sida ay warbixintu sheegtay, in isbahaysigu uu bixiyo ballanqaadyo rasmi ah oo ku saabsan tallaabooyinka lagu xallinayo murannada dhulka iyo sidoo kale qorshe siyaasadeed oo qeexaya sida Abiy Axmed gadaashii loo maamuli doono waddanka Itoobiya.

Warbaahinta Africa Intelligence waxa kale oo ay ka dhawaajisay in xiisado la mid ah ay sidoo kale ka dhex jiraan fallaagada Amxaarada ee Fano, halka dowladda federaalkuna ay arrintaas u arki karto fursad ay ku sii huriso xiisadaha,si ay kala-qaybin uga dhex abuurto isbahaysiga cusub.

Maxay haatan damacsan yihiin kooxaha isbahaystay ee kasoo hor-jeeda xukuumadda Abiy Axmed?

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in TPLF ay u muuqato inay ku celinayso istaraatiijiyaddeedii hore ee dagaalkii labada sano socday ee 2020, iyadoo dhanka koonfureed uga sii gudbaysa Amxaarada, kuna sii jeedda caasimadda Addis Ababa.

Dhanka kale, weerarka ka socda Canfarta ayaa loo malaynayaa inuu ujeeddadiisu tahay in la jaro sahayda ka timaadda Jabuuti, oo bixisa ku dhowaad dhammaan xamuulka ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya soo gala, oo ay ku jirto sahayda shidaalku.

Edward Bach oo ka tirsan mid ka mida shirkadaha la-talinta, ayaa sheegay in ay u badan tahay in isbahaysigani uu isku dayayo inuu qabsado deggaannada ku teedsan waddooyinka muhiimka ah ee kaabayaash dhaqaalaha, si ay u wiiqaan awoodda dowladda federaalka.

Maxaa laga filan karaa Eretriya?

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, colaaddan ayaa sidoo kale keeni karta in Eritrea oo deris la ah Itoobiya ay si toos ah dagaalka ugu lug yeelato, maadaama ay Asmara ay ka cabsi-qabto in Itoobiya oo aan bad lahayn ay qorshaynayso inay weerarto dekedaheeda si ay ula wareegto.

Dhanka kale, Addis Ababa ayaa iyaduna Asmara ku eedaynaysaa inay door dhexe ka qaadanayso isku-dubbaridka isbahaysiga mucaaradka ee ka dhanka ah dowladda Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda xasaradaha adduunka ee ICG.

Maxaa sababay inuu fashilmo heshiiskii nabadeed ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaal sababay dhimashada ku dhowaad 600,000 oo qof?

Colaaddan dhiigga badan ku daatay ayuu hakad ku yimid kadib markii dowladda federaalka iyo TPLF ay 2-dii Nofeembar 2022 ku kala saxiixdeen magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika heshiis uu garwadeen ka ahaa ururka Midowga Afrika.

Sida heshiiska ku cad, ciidamada Tigray waxaa la faray inay hubka dhigaan, halka awoodda dowladda federaalkuna ay dib ugu soo laaban lahayd gobolka. Gargaarka bani’aadantinimo iyo adeegyada aasaasiga ah ayay ahayd in iyaduna ay dib u bilaabmaan, waxaana markii dambe la dhisay maamul ku-meel-gaar ah oo xilka haya ilaa doorashooyin laga qabto.

Hase yeeshee, waxaa jiray khilaafaad waaweyn, oo ay ka mid ahaayeen dhul ay sheeganayeen Tigray-ga iyo Amxaarada labaduba, iyo sidii loo soo celin lahaa barakacayaashii dagaalka. Dhanka kale, Eritrea, oo xilligaasi ciidamadeedu ay ka barbar dagaallamayeen ciidamada federaalka, kama mid ahayn dhinacyadii heshiiska saxiixay.

Surafel Getahun, oo ah cilmi-baare Itoobiyaan ah oo ku takhasusay arrimaha siyaasadda gobolka ayaa isagoo la hadlay warbaahinta CNN, waxa uu yiri "Heshiisku hal habeen kuma burburin, muddo saddex sano ah ayaa si tartiib-tartiib ah looga dhigayay heshiis aan nuxur lahayn,”

Getahun wuxuu sheegay in labada dhinacba ay leeyhiin mas’uuliyadda burburka heshiiskaasi. Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guuldarraysatay inay fuliso qodobo muhiim ah oo heshiiska ka mid ahaa, Dhanka kale, wuxuu TPLF ku eedeeyay inay heshiiska jebisay, kaddib markii ay dib ula wareegtay maamulka gobolka isla markaana ay dib u dhistay ciidamadeeda.

Sidoo kale waxa la sheegay in TPLF gudaheeda uu ka dhex jiray khilaaf awood-qaybsi iyo loollan gudaha ah, kaas oo sii wiiqay geeddi-socodkii nabadda. Waxaanay garabyo iska soo horjeedaa ay ka dhex samaysmeen TPLF, kuwaas oo la kala safnaa guddoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda, oo ahaa madaxa maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee Tigray, horayna uga tirsanaa madaxda sare ee TPLF.

Getachew Reda ayaa markii dambe garabka Gebremichael uu hoggaaminayay ka eryeen xisbiga, halka Abiy uu Abriil 2025 hoggaamiye cusub u magacaabay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee gobolka Tigrey.

Bil kaddib, garabka Gebremichael ayaa dib ula wareegay maamulka Tigray. Waxay soo celiyeen baarlamaankii gobolka ee jiray dagaalka ka hor, waxayna Gebremichael u magacaabeen madaxweynaha gobolka.

Axaddii lasoo dhaafay, TPLF waxay ku biirtay lix kooxood oo kale oo hubeysan, iyagoo sameeyay isbahaysi cusub oo doonaya inay xukunka ka tuuraan dowladda Abiy, ayna dhisaan maamul ku-meel-gaar ah.

Isbahaysigan waxaa ku jira kooxo markii hore cadow isku ahaa, kuwaas oo dagaalladii ugu dambeeyay la kala safnaa dhinacyo iska soo horjeeda.

Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, ayaa wakaaladda Associated Press u sheegay in kooxahani ay iska kaashan doonaan dhinacyada siyaasadda iyo milatariga.

Mar la weydiiyay in ku biirista isbahaysigan ay ka hor imanayso heshiiskii Pretoria, Asgedom wuxuu sheegay in heshiiskaasi aanu hadda sii shaqayn doonin.

Dhaqdhaqaaqa Amxaarada ee Fano wuxuu dagaalkii hore ka barbar dagaallamay dowladda federaalka isagoo ka soo horjeeday TPLF, balse sannadkii 2023 ayuu isaguna dowladda federaalka ka hor yimid. Jabhadda Oromada ee OLA oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Abiy, ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha isbahaysiga.

Reuters ayaa Arbacadii werisay in jabhadda Tigray-ga ay ka barbar dagaallamayaan kooxda Fano ee Amxaarada iyo koox hubeysan oo maxalli ah oo ka jirta gobolka Canfarta.

Hase yeeshee, cilmi-baaraha Itoobiyaanka ah ee Surafel Getahun, wuxuu su’aal geliyay inta uu isbahaysigan sii jiri karo.

TPLF iyo Fano ayaa weli isku khilaafsan dhulalka lagu muransan yahay, gaar ahaan galbeedka Tigray, waxaana xubnaha isbahaysigu ay leeyihiin ujeeddooyin siyaasadeed iyo kuwo milatari oo kala duwan.

"Tani waa isbahaysi ku-meel-gaar ah oo dano wadaag ah oo loo sameeyay cadow ay wadaagaan, halkii uu ka ahaan lahaa heshiis siyaasadeed oo waara,” ayuu yiri Surafel Getahun.

Afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ayaa Isniintii Reuters u sheegtay in kooxahan ay horeyba u wada shaqaynayeen, iyadoo taageero dhaqaale ka helaya Eritrea.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii xumaaday tan iyo markii ciidamadoodu ay iska kaashadeen dagaalkii hore, inkastoo dowladda Eritrea ay marar badan beenisay inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka jira gudaha Itoobiya.

Su’aalaha aadka la isku waydiinyo wakhti-xaadirkan ayaa waxaa ka mida dagaalkan dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya ma noqon karaa mid sii fida?

Tigray weli kama soo kaban dagaalkii hore, iyadoo bulshooyinku ay weli dib u dhisayaan deegaannadooda, halka dad badan oo barakacayna aysan weli awoodin inay guryahooda ku laabtaan.

Itoobiya waxay sidoo kale hadda wajahaysaa colaado hubeysan oo ka socda Amxarada iyo Oromada, iyadoo la sheegay in ciidamada federaalku ay horeyba u ahaayeen kuwo si weyn ugu baahsan gobollada ka hor inta uusan dagaalka cusub ee TPLF dib u bilaaban.

Hase yeeshee, kooxaha hubeysan ee ku jira isbahaysiga cusub ayaa ku kala duwan awooddooda dagaal. Sida ay sheegtay hay’adda la socota colaadaha, qaar ka mid ah kooxahaas ma haystaan abaabul ama dagaalyahanno ku filan oo ay ku fuliyaan hawlgallo ballaaran, halka qaar kalena ay inta badan ku kooban yihiin deegaannadooda.

Waxaa sidoo kale jira khatar ah in ciidamada Eritrea ay ku lug yeeshaan dagaalka. Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa sii kordhaysay, gaar ahaan arrinta ku saabsan dadaalka Itoobiya ay ugu jirto inay hesho marin ay u isticmaasho Badda Cas, oo ay ku jirto dekedda Cassab ee Eritrea.

Gobolku wuxuu sidoo kale wajahayaa dagaalka Suudaan, iyo xiisado muddo dheer soo jiray oo u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ku saabsan Wabiga Niil.

Getahun wuxuu ka digay in dagaallada hadda socda ay noqon karaan kuwo xitaa ka khasaaro bata dagaalladii hore.

"Haddii dagaal cusub dib u billowdo, waxay u badan tahay inuu ka dhiig badan doono oo uu ka baaxad weynaan doono dagaalladii 2020–2022,” ayuu yiri cilmi-baare Surafel Getahun.

Martin Plaut, oo ah saxafi British ah isla markaana khabiir ku ah Geeska Afrika, ayaa isna aaminsan in colaaddani ay ku fidi karto meel ka baxsan xuduudaha Itoobiya.

Waxaanu yiri isagoo la hadlaya warbaahinta Jarmalka ee DW, "Haddii colaaddu ku faafto meel ka baxsan xuduudaha, waxaa suuragal ah in dagaal dhex mara Eritrea iyo Itoobiya ay sidoo kale ku lug-yeeshaan ciidamada Suudaan, taasina waxay gobolka oo dhan ku jiidi kartaa dagaal,”

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladan cusub ee bilowday ayaa dadka Tigrey ku qasbay inay si degdeg ah ugu xoomaan dukaamada si ay u kaydsadaan sahayda aasaasiga ah, isla markaana ula baxaan lacagta caddaanka ah.

Dadka deegaanka ayaa Reuters u sheegay in cabsida iyo wax-iibsiga xad-dhaafka ah ay sababeen in alaabtii ku jirtay khaanadaha dukaamadu ay si xawliya u sii yaraato.

Walaacan ayaa bilowday kadib markii Jabhadda Tigray iyo xulafadeedu ay Arbacadii qabsadeen saddex garoon diyaaradeed, waxayna weerarro ku qaadeen ciidamada federaalka ee ku sugan gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

Related Items

Update cookies preferences