Dagaalyahannada Tigray ayaa Axaddii maanta la wareegay gacan-ku-haynta saddex magaalo oo ku yaalla gobolka deriska la ah ee Canfarta, sida ay Al Jazeera sheegtay, iyadoo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ay galeen maalintii lixaad.
Dagaallo culus iyo iska horimaadyo aad u xooggan oo u dhaxeeya jabhadaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo ciidanka federaalka Itoobiya ayaa si xawliya uga socda saddexda gobol ee waqooyiga Itoobiya ee Tigray-ga, Amxaarada iyo Canfarta.
Maxamed Xuseen, oo ah madaxa xisbiga talada haya ee gobolka Canfarta, ayaa Al Jazeera u sheegay in maleeshiyaadka Tigray-gu ay galeen Aagagga 2-aad iyo 4-aad, isla markaana ay qabsadeen saddex magaalo oo gobolkaas ka tirsan.
Gobolka Canfarta ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama uu xuduud la leeyahay Jabuuti iyo Eritrea, taasoo dhalisay walaac laga qabo in dagaalladu carqaladeeyaan isla markaana ay saameyn ku yeeshaan isu socodka iyo ganacsiga gobolka.
Iska horimaadyada u dhexeeya Ciidamada Canfarta ee taabacsan dowladda federaalka Jabhadda TPLF ayaa ka socda jiid dagaal oo dhererkiisu yahay 80 ilaa 90 kiiloomitir, sida uu sheegay madaxa xafiiska Al Jazeera ee Itoobiya, Muxammed Daaha Tawakal.
Wuxuu sheegay in dagaalku hadda ka socdo saddex gobol oo Itoobiya ah, isla markaana goobaha dagaalku ay ku dhow yihiin xuduudaha Jabuuti iyo Eritrea. Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in colaadu isu beddesho dagaal-goboleed.
Dagaallo culus ayaa Jimcihii ka dhacay dhowr jiho oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha fallaagada ah, halka dowladda dhexe ay hakisay isgaarsiinta, taasoo gobolka Tigray ka abuurtay cabsi laga qabo in dib loogu laabto go’doomintii ba’neyd ee gobolka waqooyi uu la kulmay intii lagu jiray dagaalkii labada sano socday ee qarxay 2020-kii.
TPLF ayaa arbacadii lasoo dhaafay la wareegtay garoomo diyaaradeed oo maxalli ah, waxayna weerarro ku qaadday ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada, iyadoo taageero ka helaysa kooxo hubaysan oo deegaanka ah. TPLF waxay sheegtay in mar kale uu bilowday "dagaal buuxa” oo ay kula jirto dowladda federaalka.
Sida ay sheegtay hay’adda ACLED ee la socota colaadaha, dagaallo culus ayaa sidoo kale ka dhacay galbeedka Tigray, gaar ahaan May Gaba iyo Tselimo. ACLED waxay sheegtay in tiro aan la cayimin oo ka tirsan dagaalyahannada TPLF ay is dhiibeen, balse ciidamo kale oo xoojin ah lagu beddelay.
Gobolka Amxaarada, ciidamada Itoobiya ayaa Jimcihii sheegay inay dileen in ka badan 700 oo dagaalyahan oo TPLF ah. Khamiistii waxaa sidoo kale la soo sheegay iska horimaadyo ka dhacay Aagga Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada.
Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in TPLF ay u muuqato inay ku celinayso xeeladdii ay adeegsatay dagaalkii hore, taas oo ahayd inay dhanka koonfureed uga soo gudubto Amxaarada, iyadoo u sii jeedda caasimadda Addis Ababa.
Weerarka ka socda gobolka Canfarta ayaa loo malaynayaa inuu qayb ka yahay isku day lagu go’doominayo sahayda Itoobiya uga timaadda Jabuuti, taas oo qaadda ku dhowaad dhammaan badeecadaha ganacsi ee caalamiga ah ee Itoobiya soo gala, oo uu shidaalkuna ku jiro.
Haweenayda lagu magacaabo Clionadh Raleigh, oo ah madaxa ACLED, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in inkastoo xaaladdu aysan weli noqon dagaal buuxa, haddana ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalku sii xoogeysto.”
Raleigh waxay tiri: "Ma filayo in xaaladdu dib ugu laabato colaad deggan oo heerkeedu hooseeyo. Hadda waxaa arrintan ku lug leh dano aad u badan.”
Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya ayaa toddobaadkan garab istaagtay dowladda Itoobiya, iyadoo sheegtay inay "ka xumaatay” duullaanka ay TPLF qaaday.
Kooxaha sheegtay inay u doodaan wax ay ku tilmaameen xuquuqda aadanaha ayaa TPLF ku eedeeyay inay sannadkan wadday qoraal iyo askarayn qasab ah oo ku wajahnayd dhalinyarada iyo dad kale oo ciidamada lagu darayo, iyadoo isu diyaarinaysay dagaal cusub.
