Warbaahinta Ingiriiska ee The Telegraph ayaa sheegtay in dagaalka cusub ee ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya uu isu beddeli karo colaad ka ballaaran Itoobiya oo saameysa guud ahaan Geeska qaaradda Afrika.
Ka dib bilo ay socdeen iska horimaadyo iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, TPLF ayaa Talaadadii ku dhawaaqday dagaal buuxa oo ka dhan ah ciidamada dowladda federaalka, iyadoo si degdeg ah ula wareegtay garoomo diyaaradeed oo gobolka ah, isla markaana weerartay fariisimo ay dowladdu leedahay.
Dagaallo culus ayaa sidoo kale ka socda xuduudaha Tigray uu la wadaago gobollada Canfarta iyo Amxaarada. Dadka ku nool Mekelle waxay muddo bilo ah isu diyaarinayeen dagaal, iyagoo kaydsanayay raashin iyo lacag, maadaama xusuustooda weli aysan ka bixin dhibaatada dagaalkii Tigray ee 2020–2022 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay illaa 600,000 oo qof.
Sida ay sheegtay Telegraph, waxa laga cabsi qabaa in dagaalkan cusubi uu uga sii daro xaaladda gobolka, gaar ahaan xilli dalalka Suudaan iyo Soomaaliya ay hore uga jiraan colaado iyo loollanno siyaasadeed iyo mid ciidan oo aad u xooggan.
Toddoba kooxood oo hubeysan ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay sameeyeen "Alliance for Survival”, oo ay sheegeen inay ujeeddadeedu tahay rididda dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Isbahaysiga waxaa ku jira TPLF iyo Fano.
Cameron Hudson, oo hore uga tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegay in isbahaysigaasi noqon karo bilowga dagaal sokeeye oo Itoobiya ka dhex qarxa, kaas oo si degdeg ah ugu fidi kara gobolka.
Xiriirradii hore ee dhinacyada ayaa is beddelay, Eritrea iyo Itoobiya, oo markii hore isku dhinac ahaa dagaalkii Tigray, ayaa hadda si weyn u kala fogaaday; Fano oo hore ula safnayd dowladda Abiy-na waxay hadda ku biirtay kooxaha isaga ka soo horjeeda.
Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan faragelinta dalalka gobolka. Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta waxaa lagu eedeeyay inay taageeraan dhinaca RSF ee dagaalka Suudaan, halka Eritrea ay xiriir dhow la leedahay Suudaan iyo Masar, oo iyaduna khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya.
Khilaafka ku saabsan Biyo-xireenka Itoobiya ee Al-Nahda ayaa sidoo kale sii kordhinaya xasaasiyadda xiriirka Itoobiya, Masar iyo Sudan. Falanqeeye ka tirsan hey’adda ACLED ayaa sheegtay in dagaalku durba ku fidayo dhowr jiho, iyadoo weerarro cirka ah ay saameynayaan goobaha rayidka, isgaarsiintana meelaha qaar la jaray.
Warbixintu waxay xustay in inkastoo heshiis xabbad-joojin ah lagu gaaray magaalada Pretoria sanadkii 2022, haddana arrimo badan oo salka u ahaa dagaalkii hore aan weli la xallin, taasoo keentay in khatarta dagaal cusub ay sii jirto.
