Maamulka Laftagareen oo si ku-meel-gaar ah u xiray garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Thursday September 24, 2026 - 12:22:32
MeMO Staff
Wasaaradda Amniga Gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan safarrada aan muhiimka ahayn ee magaalada Baydhabo.
Wasaaraddu waxay hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, safaaradaha iyo hay’adaha horumarinta kula talisay inay si ku-meel-gaar ah u hakiyaan safarrada aan daruuriga ahayn ee Baydhabo, iyadoo sabab looga dhigay hawlgallada milatari ee ka socda magaalada iyo nawaaxigeeda.

Hay’adaha u baahan inay Baydhabo u safraan arrimo bani’aadantinimo ama xaalado degdeg ah waxaa lagu boorriyey in ay sameeyaan qiimeyn amni oo dhammaystiran, raacaan habraacyadooda amni, isla markaana safarka horay ula xiriiraan Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.

Digniintan waxay sii jiri doontaa ilaa amar dambe, iyadoo Wasaaraddu sheegtay inay si joogto ah ula socon doonto xaaladda amni ee Baydhabo.

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in digniintan ay soo saartay Dowladda Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayna tahay in aan lagu khaldin wararka ama isgaarsiinta ka soo baxda maamulka cusub ee Baydhabo, oo ay sheegtay inaysan aqoonsanayn awooddiisa dastuuriga ah.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadaha Baydhabo ay cirka isku shareereen islamarkaana ay ciidamada Laftagareen iyo kuwa Aadan Madoobe taabacsan dhowr jeer ku dagaallameen gudaha magaalada iyo hareeraheeda.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences