Sida maanta oo Sabti ah ay wariysay warbaahinta NewsAddis, Jabhadda TPLF ayaa Jimcihii shalay gudaha u gashay magaalada Sekota ee gobolka Amxaarada.
Tan iyo Talaadadii, waxaa magaalada Sekota ka socday dagaal u dhexeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka Itoobiya, taas oo lagu loollamayay gacan-ku-haynta magaalada.
Sekota waa magaalada ugu istaraatiijisan ee aagga Wag Himra ee gobolka Amxaarada. Waxaana ku yaallay saldhig ay ciidanka federaalku ka maamulayay hawlgallada milatari ee ka socda Wag Himra, Waqooyiga Wollo iyo dhowr aag oo kale.
Sida ay xogtu tibaaxayso, tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay, waxaa magaalada ka hakaday gaadiidkii isku xiri jiray magaalooyinka, halka dadka deegaanku ay soo sheegayaan in korontadu maqneyd labadii maalmood ee la soo dhaafay.
TPLF iyo maleeshiyo deggaanka ah oo ka tirsan qoomiyadda Agew ayaa magaalada Sekota kasoo galay dhinaca magaalada Korem iyo deggaanka Abergele oo dhow xadka Tigray-ga iyo Amxaarada.
Geesta kale, maleeshiyaadka amxaarada ee Fano ayaa taageeray maleeshiyada Tigray-ga, iyagoo xannibay waddada isku xirta Lalibela iyo Sekota.
Fiidnimadii Jimcaha, dagaalyahannada Tigray ayaa gudaha galay magaalada Sekota. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen cutubyo ka tirsan ciidanka federaalka oo magaalada ka sii baxaya.
Sekota ayaa noqotay magaalada ugu weyn ee gobolka Amxaarada ee ciidamada Tigray ay gudaha u galeen. Lalibela oo ku dhow Sekota ayaa iyaduna xaaladdu ku sii adkaanaysaa, iyadoo dagaalyahannada Fano ay dhanka magaaladaas u sii socdaan.
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Lalibela ayaa la hakiyay tan iyo Khamiistii, iyadoo warbixintu sheegtay in kooxo hubeysan ay ku sii dhowaanayaan magaalada.
