Uganda oo Itoobiya u ballan-qaadday ciidamo ka taageera dagaallada waqooyiga.
Xilli dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobollada Tigreega, Canfarta iyo Amxaarada, ayay dowladda Uganda taageero kal iyo laab ah u muujisay xukuumadda Addis Ababa ee garwadeenka uu ka yahay R/Wasaare Abiy Axmed.
