Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Gedo + khasaaraha qarax ka dhacay Jowhar.

Monday September 28, 2026 - 18:00:05
MeMO Staff
Hawl-gallo kala duwan ayay wararku tibaaxayaan in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha dhexe iyo Gedo.
Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay qarax xooggan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar.

Sida ay xogtu tibaaxayso, qaraxan ayay jihaadiyiintu ku bartilmaameedsadeen gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen mas’uul oo kala ah Yuusuf Jaalle oo ah Lataliyaha Cali Guudlaawe iyo Macalin Xuurshe oo ah guddoomiyaha deegaanka War Ciise.

Xogta ayaa intaas ku dartay, in sidoo kale qaraxani uu geystay burbur xooggan oo soo gaaray gaariga la beegsaday ee mas’uuliyiintani ay saarnaayeen.

Gobolka Gedo, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen xerada ciidamada Itoobiya ee degmad Buurdhuubo.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences