La-taliye sare oo ICG ka tirsan oo xad-gudub ku tilmaamay duqaymaha USA ee Soomaaliya.

Friday September 18, 2026 - 18:03:03
MeMO Staff
Brian Finucane, oo la-taliye sare ka ah hay'adda caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG), isla markaana ka tirsan barnaamijkeeda arrimaha Maraykanka, ayaa warbixin uu ku qoray majalladadda Foreign Policy kaga hadlay xad-gudubka Maraykanka ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in si qaldan loo adeegsaday xeerka AUMF, oo madaxweynaha Maraykanka loogu oggolaaday adeegsiga awoodda milatari, kaas oo Congress-ku ansixiyey kadib weerarradii Al-Qaacida ku qaadday Maraykanka 11-kii Sebtembar 2001.

Xeerkan oo sida la sheegay uu Congress-ku ugu talo-galay in lagula dagaallamo ciddii masuulka ka ahayd weerarradaasi ayay warbixintu xustay in madaxweynayaasha Maraykanku ay ku gabood-faleen, si weyn-na u ballaariyeen fasiraadda AUMF-kii 2001.

Madaxweyneyaashii Maraykanka ayaa, sida warbixintu sheegtay, ballaariyey fasiraadda xeerkan iyagoo adeegsanaya waxa ay ugu yeereen "kooxo xiriir la leh”, si xeerka loogu dabaqo kooxo aan xitaa jirin xilligii ay dhaceen weerarradii 11-ka Sebtembar 2001.

Al-Shabaab oo weerarkaasi kadib la aasaasay ayay warbixintu tusaale u soo qaadatay, waxaanay sheegtay in 25 sano kadib uu xeerkii AUMF-ka 2001 uu ilaa hadda si weyn loogu adeegsanayo duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya, taas oo gardarro caddaan ah uu ku tilmaamay.

Maamulka Trump ayay warbixintu xustay in duqaymaha uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidoo kale duqaymo uu ka fuliyey Nigeria iyo kuwo kale oo uu ka fiirsanayo inuu ka geysto Mali ay dhammaantoodba yihiin xad-gudub, sharcigana ay baal-marsan yihiin.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences