Maraykanka oo la sheegay inuu ku fashilmay duqaymaha uu ka wado dalka Soomaaliya.

Sunday September 20, 2026 - 14:15:35
MeMO Staff
London Review of Books (LRB) oo ah majallad fadhigeedu yahay carriga Ingiriiska, ayaa sheegtay in Maraykanku uu ku fashilmay, wax natiijo ah-na uusan ka gaarin dagaalka iyo duqaymaha uu ku dhawaad labaatanka sano ka wado dalka Soomaaliya.
Sida warbixintu ay xustay, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka waday hawlgallo milatari tan iyo 2003-dii, hase yeeshee, ololaha duqeymaha cirka ee hadda socda ayaa ka ballaaran kuwii dhacay xilli kasta oo ka mid ah dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta.

Tan iyo markii uu Trump bilaabay muddo-xileedkiisa labaad ee 2025, waxaa Soomaaliya ka dhacay in ka badan 200 duqeyn. Waxaanay inta badan war-saxaafadeedyada sanadkan uu soo saaray Taliska AFRICOM ay ku saabsanaayeen duqeymo ka dhacay Soomaaliya.

London Review of Books waxay ka sanqarisay in inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo badinayo in laga duuliyo Camp Lemonnier oo ku yaalla dalka Jabuuti, oo ah saldhigga militari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay qaaradda Afrika.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka ayay warbixintu sheegtay in qaardna ay ka duullaan Camp Simba oo isna ah saldhig millateri oo Maraykanku ku leeyahay deegaanka xeebta Manda Bay ee gobolka Lamu oo ka mida dhulka Kenya ay xoogga ku haysato.

Dadk rayidka ah ee ku dhinta duqaymahaasi ayay sheetay warbixintu in AFRICON aysan dan ka gelin, iyadoo tusaale usoo qaadatay duqayn ciidamada Maraykanka ay bishii November ee sannadkii hore ku dileen ugu yaraan 12 rayid ah, oo ay ku jireen 8 carruur ah, taas oo ka dhacday Jamaame.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan dhul aad u ballaaran oo dhaca inta u dhaxaysa Gaalkacayo ilaa koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay deggaannadaasi ka hir-geliyeen maamul dawladeed.

Waxa ay ka sanqarisay in Donald Trump uu ku saxsan yahay hadallada dhalleecaynta ah ee sheegaya in dowladda Soomaaliya ee magac-u-yaalka ahi aysan ahayn dowlad dhab ah oo jirta, maadaama awooddeedu aad u kooban tahay, Muqdisho dhexdeedana lagu waardiyeeyo.

Ciidamada Afrikaanta ee waardiyeeya kooxda Villa Soomaaliya, ayay warbixintu qirtay inay gaboodfallo xooggan ay u geysteen shacabka, isla markaana lagu eedeeyay xadgudubyo tiro-beel ah oo ay ku jiraan mararka qaar dilal ay si bareer ah ugu fuliyeen dad rayid ah.

Bilowgii bishii Luulyo, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu hor istaagi doono taageerada Qaramada Midoobay ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo horraanta sannadka soo socda, isagoo sabab uga dhigay fashilka kooxda Villa Soomaaliya.

Ololaha duqeymaha cirka ee Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa ayay tiri warbixintu, arrimaha uu Trump si gaar ah u danaynayey labada xilli ee uu madaxweyne ahaa, ama ugu yaraan wuxuu ka mid ahaa waxyaabihii ay mudnaanta siinayeen taliyeyaasha sare ee militariga Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, duqeymahaasi uma muuqdaan ayay tiri warbixintu, inay saameyn weyn ku yeesheen Al-Shabaab. Waxaana tusaale ku filan, horumarkii la sameeyey sannadkii 2022 ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, kadib markii Al-Shabaab ay dib ula wareegtay dhulkii laga qabsaday.

Geesta kale, waxay tilmaantay warbixintu in haddii la waayo maalgelin lagu sii taageero ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ay saadaashu u badan tahay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay qaadaan weerar kale oo ay kula wareegto caasimadda Muqdisho.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences