Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ku qabatay labo gaari oo la sheegay inay sideen maleeshiyaad ururis ah oo kooxda Villa Soomaaliya ay muddooyinkan dambe ka qoranaysay gobolka Mudug.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo aanu helnay, maleeshiyaadkan oo ahaa ku dhawaad 100 qof, ayaa loo waday dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyaad ka goostay maamulka Puntland.
Labada gaari ayaa la sheegay in midkiiba ay saarnaayeen tiro ku dhow 50 qof, waxaana saacadihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada, sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay maleeshiyaadkan ay Puntland gacanta ku dhigtay.
Ilo-wareedyo soo xigtay laamaha amniga Mudug, ayaa xaqiijiyey gacan-ku-dhigista maleeshiyaadkan oo qaarkood markii la waraystay ay sheegeen in ay dayoobeen oo jihooyinka iskaga darsameen markii ay kasoo baxeen koonfurta Gaalkacayo.
Gaadiidka siday maleeshiyaadkan ayaa la sheegay in ay ka muuqato calaamadda diiwaan-gelinta ee maleeshiyaadka Villa Soomaaliya. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay maamullada Garoowe iyo Muqdisho.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
