Fiqi: Wallaahi in aysan Al-Shabaab la wareegi karin tuullo ka mida dalka Soomaaliya.

Sunday September 20, 2026 - 11:30:36
MeMO Staff
Kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga carootay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan in Al-Shabaab ay la wareegi doonto Soomaliya, kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye.
Axmed Macallin Fiqi oo maamulka Gurguurte ugu magacaaban Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa si adag uga hor-yimid qaylo-dhaanta mucaaradka, isagoo tilmaamay in aysan waxba ka jirin nugeylka amni ee laga dayrinayo ee dul-hoganaysa kooxda Villa Soomaaliya.

Waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay hadallada kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka, waxaanu sheegay in ay iska celiyeen Al-Shabaab isla markaana maleeshiyaadkoodu ay keli ku yihiin oo aysan cidna ku wehelin dagaalka shareeco-la-dirirka ah ee ka socda dalka Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi oo iska indho-tiraya xaqiiqada taalla saaxada Soomaaliya ayaa hanjabaad culus jeediyey, waxaanu dhaar ku maray, in haddii ay baxaan ciidamada shisheeye iyo haddii kaleba, aysan mar dambe dhici doonin in jihaadiyiintu ay la wareegaan tuullo ka mid dalka Soomaailya.

"Ciidamada Midowga Afrika haddii ay baxaan iyo haddii kaleba, Shabaab in lasii wiiqo mooyaane, u liici mayno, waxaanan ku dhaaranayaa oo aan leeyahay caawa, wallaahi in aysan la wareegi karin tuullo ka mida dalka Soomaaliya….” Ayuu yiri Fiqi.

Labadan bilood ee u dambeeyey waxaa si weyn isku soo taraayay walaaca beesha caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradku ay ka muujinayeen xaaladda amni ee maamulka Muqdisho, kadib markii Maraykanku sheegay inuu albaabada u laabayo xafiiska UNSOS ee taageerada ciidamada Afrikaanta ee duullaanka gardarrada ah kaga jira dalka Soomaaliya.

Warbixinnadii u dambeeyey ee hey’adaha caalamiga ahi kaga digeen xaalka xukuumadda Gurguurte waxaa ka mid ah warbixin ay jimcihii soo saartay hey’adda ICG, taas oo si cad u sheegtay in haddii xal loo waayo caqabadaha hawl-galka AUSSOM, ay ciidamada Afrikaanta laftarkoodu wajihi doonaan khatar aad u weyn, oo sababri karta ilaa heer ay awoodi waayaan inay lafahooda difaacaan.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences