Xarunta Maraykanka ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda Afrika ee lagu magacaabo Africa Center For Strategic Studies, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay sii casriyeeyeen awooddooda sannadihii u dambeeyey.
Machadkan oo ka tirsan Jaamacadda Difaaca Qaranka ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale ka sanqriyey in muddooyinka soo socda la filayo in awoodda jihaadiyiintu ay sii kororto, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay abuurtay walaac aad u xooggan.
Sidoo kale waxa la xaqiijiyey sida ay warbixintu ka dhawaajisay, in duqaymaha tiro-beelka ah ee Maraykanku ka wado Soomaaliya aysan wax faa’iido ah kasoo hoynin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana aysan ka hor-tegi karin awooddooda sii kobcaysa.
Xaruntan ka tirsan Jaamacadda Difaaca ee Maraykanka, waxa kaloo ay qirtay, in koboco awoodeed ee Al-Shabaab uu bannaanka keenay, fashilka kooxda Villa Soomaaliya, kuwaas oo waxa loogu yeero beesha caalamku usoo igmatay in dalka ay ka hir-geliyaan ku-dhaqanka dimuqraadiyadda.
Waxa uu machadku quus ka muujiyey hawl-gallada shareeco-la-dirirka ah ee muddada badan ka socday Soomaaliya, isagoo dhanka kalena qiray in jihaadiyiintu ku guulaysteen inay afka ciidda u daraan dhammaan duullaannadii lagu qaaday oo dhan.
