Foreign Policy, oo ah majallad caalami ah oo fadhigeedu yahay caasimadda Washington kuna takhasustay siyaasadda caalamka, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay kaga hadashay fashilka ku yimid duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
"Sida Al-Shabaab uga adkaatay ciidamada Midowga Afrika” waa cinwaanka warbixinta Foreign Policy, oo soo shalay soo baxday, taas oo ugu horreyn lagu xaqiijiyey in joojinta taageerada xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOS ay dhaqan-geli doonto 31-ka December ee dhammaadka sannadkan 2026.
Waxay tiri warbixintu; "Kadib fara-gelin millateri oo inta badan dowladda Maraykanku ay maal-gelinaysay oo labaatan sano ka socotay Soomaaliya, kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab, ayaa la rumaysan yahay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii hore.”
Falanqeeyayaal ay la hadashay majaladda Foreign Policy ayaa sheegay in go’aanka maamulka Trump ee lagu joojinayo taageerada UNSOS iyo howlgalka Midowga Afrika uu qayb ahaan ka dhashay natiijadan aan la hubin.
Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Maraykanka, Abuukar Armaan oo haatan ah falanqeeye siyaasadeed ayaa isna u sheegay Foreign Policy, in la jebin kari waayay Al-Shabaab, isla markaana lagu fashilmay duullaankii labaatanka sano ka socday dalka Soomaaliya.
Warbixintu waxay qirtay in jihaadiyiintu ay inta badan gacanta ku hayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaailya. Iyadoo intaas ku dartay in dowlad rasmi ah balse aqoonsi aan ka haysan caalamka ay ka jirto deggaannada Al-Shabaab ay maamusho.
Sida warbixintu ay xustay, laga soo bilaabo 2007-dii, Maraykanku wuxuu ku bixiyay qiyaastii 3.6 bilyan oo doollar si loo taageero hawlgalladii kala dambeeyay ee ciidamada Midowga Afrika ay ka wadeen dalka Soomaaliya.
Lacagtaas waxaa ku jira ku dhowaad 2 bilyan oo doollar oo loo marsiiyay xafiisyada taageerada Qaramada Midoobay, iyo ku dhowaad 1.6 bilyan oo doollar oo ah taageero laba-geesood ah oo la siiyay dalalka Afrika ee ciidamadooda u diray Soomaaliya, sida lagu sheegay qiimeyn bishii Luulyo ay samaysay Hay’adda Cilmi-baarista Koongareeska Maraykanka.
Jethro Norman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark, ayaa yiri "Beesha caalamku waxay xoogga saartay sidii loo sii wadi lahaa howlgalka, halka Al-Shabaab ay xoogga saartay sidii ay dawlad u dhisan lahayd.”
Waxa kale oo cilmi-baarahani uu ka sanqariyey in iskood ay isku maal-geliyaan jihaadiyiinta Al-Shabaab, halka kooxda Villa Soomaaliya uu tilmaamay in ay ku nool yihiin maal-gelin shisheeye.
Warbixintu waxa kale oo ay qirtay in jihaadiyiintu ay mudnaanta siiyaan u-adeegista dadka rayidka ah. Waxaanay iyadoo tusaale ka bixinaysa arrintan ay tiri "Mid ka mid ah natiijooyinka adeegyadaasi ayaa noqday in meelaha ay Al-Shabaab ka taliso, maandooriyaha iyo dambiyadu ay ku dhowaad gebi ahaanba meesha ka baxeen”
Sida ay sheegtay warbixintu, tan iyo markii uu bilowday kacdoonkani, hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay fahamsanaayeen ayay tiri, muhiimadda ay leedahay u adeegista hadba bulshada iyo qabaa’ilka ku nool deggaannada ay maamulaan. Arrintaas oo sababtay taageero xooggan oo jihaadiyiintu ay ka heleen bulshada Soomaaliyeed.
Foreign Policy, waxa kale oo ay milicsatay dhinaca maamulka Muqdisho, waxaanay sheegtay in kooxda Villa Soomaaliya tan iyo 2006-dii lagu qiimeynayay inay ka mid tahay maamullada adduunka ka jira kuwa ugu musuqmaasuqa badan, sida ay sheegtay Transparency International oo ah hey’ad caalamiya oo qaabilsan daraasaynta musuqmaasuqa.
Warbixintu iyadoo dhinaca garsoorkana tusaale u soo qaadatay ayaa waxa ay tiri "Xitaa deegaannada ay dowladdu maamusho sida Muqdisho, dadka rayidka ah waxay caddaalad u raadsadaan maxkamadaha shareecada ee ay maamusho Al-Shabaab.”
Geesta kale, xubno ka tirsan AUSSOM, iyo labadii howlgal ee ka horreeyay ayay warbixintu sheegtay, in lagu eedeeyay xad-gudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyo ay ka mid yihiin xasuuq shacab, kufsi, iyo dad si khasab ah loo kaxaystay kadib-na la waayay meel ay ku dambeeyeen.
Sida warbixintu sheegtay, eedeymahan oo soo jiray muddo tobonaan sano ah ayaa keenay in dadweynuhu ka soo horjeestaan ciidamada Midowga Afrika, halka kooxda Villa Soomaaliya lafteeduna ay indhaha ka laabatay arrimahan.
"Tusaale si cad u muujinaya arrintan wuxuu ahaa dilalkii Buulo-Mareer ee 2024, kaas oo ciidamada Uganda lagu eedeeyay inay si arxan-darro ah qoorta uga jareen laba qof oo beeraley ah oo deegaanka ah, kuwaas oo ku sugnaa magaalada beeraha ee Buulo-Mareer. Dilalkaasi waxay dhaliyeen mudaharaadyo ka dhacay magaalada, iyadoo dadka deegaanka ay ugu baaqeen ciidamada Midowga Afrika inay ka baxaan.” Ayay tiri warbixintu.
Sidoo kale warbixinta oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raacisay "Al-Shabaab ayaa iyaduna ka jawaabtay iyadoo soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso weerarka, kuna ballanqaadday inay ka aargoosan doonto dilka rayidka. Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida qoraalku sheegayo, illaa laba sano kaddib weli kama aysan hadlin arrintaas.”
Michael Woldemariam, oo ku takhasusay amniga Afrika iyo gaar ahaan Geeska, kana tirsan Jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ayaa isna warbixin ay maanta soo saartay majalladda kale ee News Line Magazine ku sheegay in walbahaar xooggan uu ka qabo masiirka kooxda Villa Soomaaliya oo uu tilmaamay in kala-daadasho ay qarka u saaran tahay.
"Muuqaalka maamulka Muqdisho muddo sannado ah waa uu sii xumaanayay,” ayuu yiri Michael Woldemariam, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaasi raaciyey "Soomaaliya waxay ku sii siqaysaa xaalad aad u khatar badan.”
Isku soo duubee, kooxda Villa Soomaaliya iyo ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa la isku raacsan yahay in mashruucoodi ashahaado-la-dirirnimo ay ku fashilmeen, isla markaana jihaadiyiintu ay qarka u saaran yihiin in gebi ahaanba dalka Soomaaliya ay kusoo dabbaalaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
