Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen rabshado jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada gaarka ah ee Itang oo ka tirsan gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka MSF.
Hey’addu waxay sheegtay in xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Kule ee gobolka Gambella la keenay 88 qof oo dhaawacyo kala duwani ay kasoo gaareen rabashadahaasi. Siddeed qof ayaa geeriyooday ka hor intii aan goobta caafimaadka loo qaadin, halka afar kale la xaqiijiyey in ay dhinteen markii la gaarsiiyey xarunta caafimaadka.
Dhaawacyada ayaa la sheegay inay isugu jireen kuwo culus iyo sidoo kale kuwo fudud. Waxaanay MSF ay sidoo kale sheegtay in 13 ka mid ah dadka dhaawacmay loo gudbiyay cisbitaallada ku yaalla magaalada Gambella si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
MSF wax faahfaahin kama bixin sababta rabshadaha, sida ay u dhaceen ama cidda ku lug lahayd, balse iska hor-imaadyada u dhexeeya bulshooyinka ayaa marar badan ku soo noqnoqday gobolka Gambella oo hoy u ah in ka badan 400,000 oo qaxooti ah.
Warbixin ay Rift Valley Institute soo saartay sannadkii hore ee 2025 ayaa kororka colaadaha ka dhaca gobolka Gambella ku sababaysay tartanka loogu jiro kheyraadka dhaqaale iyo tirada sii kordhaysa ee qaxootiga ku sugan deegaanka.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
