30 askari oo Kenyaati ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Gaarisa.

Monday September 21, 2026 - 10:48:19
MeMO Staff
Hawl-gallo kala duwan ayay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Shabeellaha dhexe.
Gobolka Gaarisa, waxaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay, weerar dhabbo-gal ah oo jihaadiyiintu ay u dhigeen ciidamo Kenyaati ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeyso deegaanada Sheekh Xasan iyo Xayleey.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi.

Hawl-galkan khasaaraha badan lagu gaarsiiyey ciidamada Kenya ayaa sidoo kale jihaadiyiintu ay ku gubeen gaari Kooyal ah.

Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa Kontarolka Mukeyga ee magaaladaa Balcad.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey, khasaare kala duwan oo weerarkan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka la weeraray ee kooxda Villa Soomaaliya.

Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarro si joogta ah jihaadiyiintu ugu ugaarsadaan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences