36 qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday duqayn maanta ka dhacday gobolka Tigrey.

Tuesday September 22, 2026 - 18:49:29
MeMO Staff
Wararka ka imanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaran 14 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, 22 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen duqaymo diyaaradeed oo maanta oo Talaada ah lagu beegsaday gudaha iyo hareeraha magaalada Alamata ee Koonfurta gobolka Tigrey.
Sida ay wararku tibaaxayaan Ciidanka Cirka ee dowladda Xabashida Itoobiya ayaa maanta oo kaliya gobolka Tigray ka fuliyey in ka badan 20 duqeyn oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo intooda badan lagu bartilmaameedsaday koonfurta Tigrey.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay bilowdeen barqadii maanta. Waxaana goobaha la beegsaday ka mida dhowr iskuul iyo dhismayaal kale oo ku yaalla gudaha iyo hareeraha Alamata, waxaana khasaaraha weerarradaasi xaqiijiyey Moges Shiferaw oo ah duqa magaalada.

Duqa oo cambaareeyey falalkan, ayaa sidoo kale sheegay in weerarrada joogtada ah ee ay fuliso xukuumadda Abiy Axmed ay sababeen dhimashada dad badan oo Tigrey ah, isla markaana ay waxyeello u geysteen hantida iyo ilaha nololeed ee dadka deegaanka.

Waxa kale oo duqu ka dhawaajiyey in weerarradan arxan-darrada ah ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah ay muujinayaan sida ay xukuumadda Addis Ababa ay rabto inay sii wado isir-sifeynta, cadaadiska iyo waxyeellada ka dhanka ah dadka Tigrey-ga.

Wuxuu ugu baaqay dadka Tigray ee ku nool gudaha gobolka iyo dibaddaba inay gutaan masuuliyaddooda oo ay ka dhiidhiyaan xasuuqqa lagu wado, isla markaana ay u kacaan sidii looga adkaan lahaa ayuu yiri xukuumaddan ku mabtay dhiigga shacabka Tigrey.

Axaddii ayay ahayd markii duqayn diyaaradeed oo ka dhacday deggaan ku yaalla waqooyiga galbeed gobolka Tigrey lagu beegsaday gaari raashin gargaar ah u siday barakacayaal Tigrey ah oo ku nool magaalo lagu magacaabo Sharero.

Dhinaca kale, todoba jabhadood oo ay ku jirto TPLF ayaa Axaddii ku dhawaaqay isbahaysi loogu magac daray Alliance for Survival, kaas oo ay sheegeen inay u midoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen tacaddiga ciidamada federaalka isla markaana Abiy Axmed u ridi lahaayeen.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences