Machadka Itoobiyaanka ah ee Horn Review oo inta badan diiradda saara arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Geeska Afrika, ayaa walaac xooggan ka muujiyey kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixin uu cinwaan uga dhigay "Ku-tiirsanaanta dhanka amniga ee kooxda Villa Soomaaliya iyo awood-sarreynta jihaadiyiinta Al-Shabaab" ayuu machadku uu shabakaddiisa Internet-ka ku baahiyey Isniintii shalay.
Waxa uu qiray in kooxda daba-dhilifka ah ee Villa Soomaaliya aysan ahayn maamul madax-bannaan, isla markaana aanay gacan ku hayn badi dalka kuna urursan tahay Muqdisho. Taas oo aan lagu qeexi karin ayuu yiri, fahamka caadiga ah ee dowladnimada.
Xaalad xasaasi ah ayuu sheegay in Gurguurte iyo xukuumaddiisu ay ku jiraan, isla markaana ay wajahayaan xaqiiqada dhabta ah ee indhaha aan laga lalin karin oo ah ayuu yiri, jihaadiyiinta Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay yihiin kooxda ugu abaabulan Soomaaliya.
"Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay leedahay awood iyo ilo dhaqaale oo madax-bannaan, halka xukuumadda Muqdisho uu xaalku kusii adkaanayo maalinba maalinta ka dambaysa…” Ayaa lagu yiri warbixinta uu baahiyey Machadka Horn Review.
Machadku waxa uu dhanka kalena arrin khatarteeda leh ku sifeeyey khilaaf hor leh oo ka dhex qarxay dalalka Uganda iyo Turkiga, kuwaas oo labadooduba ka mida waddamada duullaannada gardarrada ah ee gumeysi kaga jira dalka Soomaaliya.
Nidaamka sii daciifaya ee Muqdisho ayay warbixintu ka sanqarisay inay saamayn taban kala kulmayso khilaafka labadan dal, iyadoo Kampala ay si rasmi ah u joojisay dhammaan iskaashigii difaaca iyo milateriga ee ay la lahayd xukuumadda Ankara.
Waxyaabaha Uganda ay ka masayrtay waxaa ka mida boobka xarkaha goostay ee Turkigu ku hayo khayraadka Soomaaliya, arrinkaas oo Kampala ay ka biyo-diidday, maadaama ay aaminsan tahay in ciidamada Afrikaanta la’aantood aysan Ankara waxba u hirgaleen.
In Turkigu qaato saamiga ugu badan ee boobka khayraadka Soomaaliya ayay si weyn uga soo hor-jeeddaa Uganda. Waxaanu machadku carabaabay in hawlaha iyo qorshayaasha Turkigu ka wado Soomaaliya ay qayb weyn ka qaateen joogitaanka ciidamada Afrikaanta.
Horn Review waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka ka dhex qarxay dalalkan duullaanka ku jooga Soomaaliya, uu wiiqayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana rajo-beel kusii ridaayo xaalka xukuumadda Muqdisho, oo sida uu sheegay wajahaysa khataro waaweyn.
"Khilaaf kasta oo u dhexeeya dalalka taageera kooxda Villa Soomaaliya, murannada diblomaasiyadeed, lacag-bixin dib u dhacda ama iskaashi la hakiyo wuxuu sii wiiqi karaa dagaalka lagula jiro jihaadiyiinta Al-Shabaab….” Ayay tiri warbixintu.
Sidaas darteed, khilaafka ka dhex qarxay dalalka Uganda iyo Turkiga ayuu machadku sheegay in uusan ahayn oo keliya arrin u dhexeysa labada dal, balse wuxuu imtixaan ku yahay ayuu yiri, taageerada dibadda ee maamulka Muqdisho ka caawiya inuu sii shaqeeyo.
Geesta kale, wuxuu machadku dareen shaki leh ka muujiyey wefti ka socday Ciidamada Cirka Pakistan, oo maalmo ka hor Muqdisho kula kulmay Gurguurte, sida la sheegay-na ay isku afgarteen dardargelinta horumarinta Ciidamada Cirka ee kooxda Villa Soomaaliya.
Horn Review wuxuu wax lala yaabo ku tilmaaay, in wakhti-xaadirkan laga hadlo difaaca hawada xilli Al-Shabaab la dhaqaajin la’yahay, isla markaana ay sii xoogaysanayaan. Waxaanu machadku arrintan ku sifeeyey farriin siyaasadeed oo si ula kac ah loo gudbinayo.
"Al-Shabaab waa koox xooggan, la qabsan karta xaaladaha isbeddelaya, isla markaana baratay sida looga gaashaanto weerarrada lagu soo qaado. Waxaanay leedahay maamul dhisan oo xalliya khilaafaadka, iskiis-na isku maal-geliya…” Ayuu yiri Horn Review.
Ugu dambayn, warbixintu iyadoo si weyn u walbahaarsan ayay tilmaantay in sawirka guud uu muujinayo khilaafaad dibadeed oo sii kordhaya, adkaysiga Al-Shabaab oo sii laba-jibbaarmaya, iyo duullaankii kharashka iyo wakhtiga badan lagu bixiyey oo sii wiiqmaya.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
