Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo maanta lagu naafeeyey maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.
Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay deggaanka Faaxo ee duleedka magaalada Xarardheere ayaa waxaa fuliyey dagaalyahannada Al-Shabaab.
Sida ay xogtu tibaaxayso qaraxan ayaa si gaar ah loogu beegsaday ay wateen maleeshiyaadka uu ku adeegto Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen qaraxaasi, halka gaarigii ay saarnaayeen iyo hubkii ay wateen-ba ay burbureen.
Hawl-galkan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
