Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobolka Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo labada Shabeelle.
Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar jihaadiyiintu ay ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin Buundada degmada Mahadaay.
Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, inkastoo weli aanaan helin tirakoob sugan.
Gobolka Shabeelada hoose, waxaa isna ka dhacay habeen hore iyo sidoo kale jimcihii shalay, weerarro ba’an oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Weerarradan ayay jihaadiyiintu ku bartilmaameedsadeen xerada ciidamad Uganda iyo sidoo kale saldhigga maleeshiyaadka Xasan Sheekh ee degmada Jannaale.
Gobolka Gaarisa, jihaadiyiintu waxay habeennimadii xalay ka fuliyeen weerar culus oo ay ku mireen xerada ciidamada Kenya ee duleedka magaalada Weel-mareer ee degmada Faafi.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
