DRC Congo: 14 qof oo saraakiil millateri ay ku jiraan ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

Saturday September 26, 2026 - 09:09:49
MeMO Staff
Ugu yaraan 14 qof, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan militariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo Jimcihii shalay ka dhacay gobolka Kwango oo dalka kaga yaalla dhinaca Koonfur Galbeed.
Diyaaradda milatariga ayaa ka duushay magaalada Kikwit, iyadoo ku sii jeedday caasimadda Kinshasa, balse waxa la sheegay in cilad farsamo ayaa ku timid, isla markaana isku dayday inay ka degto Kenge, hase yeeshee halkaas ma jirin garoon diyaaradeed, waxaana ay ku dhacday dhul la deggan yahay.

Militariga DRC ayaa sheegay in dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa ay dhinteen, iyadoo 12 ka mid ah meydadka uu dabku si xun u gubay, halka meydka duuliyahana laga helay meel ka baxsan goobta ay ku burburtay diyaaraddu.

Dadka dhintay waxaa ku jiray laba jeneraal, xubno ka tirsanaa wafdi rasmi ah iyo askar kale, iyo sidoo kale dad rayid ah. Maamulka DRC ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay si loo ogaado sababta dhabta ah ee shilkan dhalisay.

Shilkan ayaa ku soo beegmaya xilli DRC ay weli wajahdo colaado daba-dheeraaday, gaar ahaan bariga dalka oo ay kooxo hubeysan ku loollamayaan gacan-ku-haynta dhulalka iyo goobaha macdanta. Ciidamada dowladda ayaa dagaal kula jira kooxo fallaago ah oo tan iyo sannadkii hore qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Related Items

Update cookies preferences