Itoobiya oo isgaarsiinta ka jartay gobolladda ay dagaalladu ka holcayaan ee Tigray.

Saturday September 26, 2026 - 06:52:33
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya waqooyiga wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay sii xoogeysteen dagaalladii cuslaa ee udhaxeeyay ciidamada dowladda Xabashida iyo maleeshiyaadka mucaaradka qeybahooda kala duwan.
Dagaallo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka ayaa lagusoo warramayaa in ay ka socdaan illaa 2 aag oo muhiim ah, afhayeen uhadlay ciidanka Itoobiya ayaa ku faanay in maalmo kooban gudahood ay dileen inkabadan 470 dagaalyahan oo katirsan mucaaradka gaar ahaan jabhadda TPLF.

Wariyaal ku sugan Itoobiya ayaa soo sheegay in dagaallada ugu culus ay ka socdaan degmada Abala ee ismaamulka Cafarta halkaas oo ciidamada Federaaliga ah ay ku qaadeen hujuum rogaal celin ah oo ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan basle waxay lakulmayaan iska caabin adag oo ay kala kulmayaan kooxaha mucaaradka ah.

Agazi Gubzay oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Ciidamada Difaaca Tigray TDF ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta marin dagaal oo istiraatiiji ah, kaas oo ciidamada ka soo horjeeday ay u haysteen inuu muhiim u yahay horumarka dhanka Mekelle.

Gubzay wuxuu sheegay in marinkaasi uu hadda si buuxda gacanta ugu jiro Ciidamada Difaaca Tigray, isagoo xaqiijiyay in hawlgallada militari ay weli socdaan, dhanka jiidda gobolka waqooyiga Wallo iska hor'imaadyada ayaa kusii dhowaanaya magaalada taariikhiga ah ee Lalebelle.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Abiy Axmed ay aaggaas ku daadgureynayaan ciidamo xoojin ah kadib markii ay mucaaradku taqadum weyn ka sameeyeen dagaallada, dhinaca kale xukuumadda Addis Ababa waxay jartay dhammaan warisgaarsiintii gobolka Tigray.

Shabakad diiradda saarta arrimaha isgaarsiinta ayaa xaqiijiyay in dhammaan khadadka Internetka iyo isgaarsiinta laga jaray ismaamulka Tigrayga balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin nidaamka Abiy Axmed.

Related Items

Update cookies preferences