Maalinnimadii Axadda ee shalay, caasimadda Mali ee Bamako waxaa lagu qabtay kulan degdeg ah oo uu guddoominayay hoggaamiyaha taliska milateriga, Assimi Goïta, kaas oo xaaladda amni looga arrinsanayay, sida ay sheegtay RFI, oo ah idaacad caalami ah oo laga leeyahay Faransiiska.
Kulankan oo aan loo kala kicin saacado badan, ayaa yimid sida ay warbixintu ka dhawaajisay, kaddib markii Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay usbuucyadii ugu dambeeyey sii laba-jibbaareen hawl-gallada jihaadiga ah ee ay ka waddo Mali.
Mid ka mida hawl-galladii ugu khasaaraha badnaa ee maalmahan u dambeeyey Jamaacadu ay fulisay ayaa ahaa weerar dhacay khamiistii hore ee 10-kii September 2026, kaas oo jihaadiyiintu ay cagta ku mariyeen saldhig ay ciidamada Mali ku lahaayeen magaalada Jura ee gobolka Mopti.
Inkasta oo war rasmi ah aan laga soo saarin kulanka, haddana waxaa loo badinayaa ayay tiri Idaacaddu, in lagu gorfeeyey xaaladda amni ee kasii daraysa ee ay wajahayso xukuumadda Bamako, maadaama xerada milateriga ee jihaadiyiintu weerareen ee magaalada Jura ay tahay mid ka mid ah saldhigyada waaweyn ee ciidamada Mali ay ku leeyihiin bartamaha dalka.
Sida warbixinnadii u dambeeyey ee soo baxay ay xaqiijiyeen ciidamada Mali iyo calooshood-u-shaqaystayaasha Ruushka ayaa gebi ahaanba laga sifeeyey xerada, waxaanay jihaadiyiintu xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 150 askari oo ka tirsanaa ciidamada millateriga Mali.
Wakaaladda wararka AFP, ayaa iyaduna sheegtay in ugu yaraan 5 askari oo Ruush ah lagu khaarajiyey weerarkaasi, halka Jihaadiyiintu ay xaqiijiyeen in nolosha ay ku qabteen 93 askari oo ka tirsan ciidanka millateriga ee xukuumadda daba-dhilifka Mali.
Weerarkan waxay jihaadiyiintu ku burburiyeen 15 gaari oo kuwa ciidanka ah iyo in ka badan 100 mooto. Waxaanay kusoo furteen 6 gaari oo kuwa milatariga ah, 10 mooto, rasaas tiro-beel ah iyo dhowr boqol oo qori oo isugu jira AK-47, Dhashiike, PKM, Hoobiye iyo qoriga loo yaqaan SPG.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
