Hawlihii duulimaadyada ee Garoonka Caalamiga ah ee Lalibela, oo ku yaalla aagga Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada Itoobiya, ayay wararku sheegayaan in la hakiyey kadib markii ay kusoo dhawaadeen kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Axmed.
Sida ay sheegtay shabakadda maxalliga ah ee NewsAddis, tan iyo Talaadadii, dagaallo culus ayaa ka socday qaybo ka mid ah Waqooyiga Wollo, Waqooyiga Cafarta iyo Wag Himra, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga hubaysan ee isbahaysiga Alliance for Survival.
Subaxnimadii saaka oo khamiis ah, diyaaradda Ethiopian Airlines ET122 ayaa la sheegay in aysan tegin garoonka diyaaradaha ee Lalibela, inkastoo loo qorsheeyey inay ka duusho Gondar kuna degto Lalibela 10:25 subaxnimo.
Dagaallo culus ayaa tan iyo saaka ka socday China Camp iyo Shinberma, oo ku dhow garoonka Lalibela, sida ilo deggaanka ah u sheegeen NewsAddis. Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in jabhadaha Fano iyo Tigray ay si wadajir ah weerarro ba’an uga wdaan qaybo ka mid ah Waqooyiga Wollo iyo Wag Himra, iyagoo beegsanaya ciidanka federaalka Itoobiya.
Garoonkan ay kusii dhawaanayaan jabhaduhu ee Lalibela ayaa muhiim u ah dhinaca milatariga, maadaama uu yahay xarun sahay oo muhiim ah oo loo adeegsado ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Waqooyiga Wollo iyo Wag Himra.
Sidoo kale, tani ma aha markii ugu horreysay ee garoonku saameyn ku yeesho dagaallada Amxaarada. 2023-dii ayay ahayd markii Fano ay dagaal hubaysan la gashay ciidamada dowladda, dagaallamayaasha Fano ayaa laba jeer gudaha u galay garoonka Lalibela.
Habeen hore ayay ahayd markii maleeshiyaadka TPLF ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta garoonnada diyaaradaha ee magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire ee gobolka Tigray. Iyadoo saraakiil ka tirsan federaalka oo ku sugnaa garoonnadaasina xabsiyada lagu guray.
