Dowladda Shiinaha oo si adag ugu goodiday maamulka Somaliland.

Wednesday September 16, 2026 - 14:22:32
MeMO Staff
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid hadallo uu madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), dhowaan ka sheegay arrinta Taiwan, gaar ahaan intii uu ku sugnaa Mareykanka.
Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ayaa sheegay in Cirro uu jeediyey hadal si cad u jebiyay mabda’a ah "Shiine waa mid”, isla markaana uu si weyn u taabtay wax uu ku sheegay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha. 

Maamulka Beijing wuxuu sheegay in hadallada kasoo yeeray madaxa maamulka Somaliland uu si adag uga soo horjeedo, isla markaana si xooggan u cambaareynayo tallaabadaas.

Safaaradda ayaa ku adkaysatay mowqifka Beijing ee ah in Taiwan ay mid tahay dhulka Shiinaha, isla maraana Shiine uu yahay dal kaliya oo aan la kala goyn karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in Taiwan aysan waligeed noqon, noqonna doonin dal madax-bannaan.

Shiinuhu wuxuu ugu baaqay siyaasiyiin uu la xiriiriyey ku-xad-gudubka arrintan, inay si dhab ah u arkaan xaqiiqada”, isagoo dhanka kalena uga digay cawaaqib culus oo uu sheegay inay ka dhaxli doonaan haddii aysan ka waantoobin ku-xad-gudubka arrinta Taiwan.

Madaxa maamulka Somaliland oo haatan booqasho ku joogga Maraykanka, ayaa waraysi lala yeeshay isagoo ku sugan Washington ku sheegay in sidii laba dowladood oo siman isla markaana kala madax-bannaan ay ula macaamilayan Shiinaha iyo Taiwan.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences