Dowladda Shiinaha ayaa casriyeyn ku samesay saldhigga milatari ee ay ku leedahay dalka Jabuuti, taas oo kordhinaysa awoodda saldhigga ee isgaarsiinta, xog-ururinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada millateri ee ka socda Bariga Dhexe iyo Afrika.
Sida lagu sheegay daraasad uu sameeyey Center for Strategic and International Studies (CSIS), sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in saldhigga lagu rakibay qalab cusub oo awood u siinaya ciidamada Shiinaha in uu si ammaan ah ula xiriiro maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinaha ee ka hawlgala gobolka, isla markaana uu basaasi karo isgaarsiinta milatariga dalalka kale ee ku dhow.
Inkastoo xogaha laga helay ilo furan aysan si toos ah u xaqiijin karin in qalabka cusub hadda loo adeegsanayo SIGINT, oo ah sirdoonka laga ururiyo isgaarsiinta iyo calaamadaha elektaroonigga ah, haddana qaab-dhismeedka qalabku wuxuu si weyn ugu habboon yahay hawlahaas.
Saldhigga Jabuuti, oo la furay 2017, waa saldhigga keliya ee Shiinuhu ku leeyahay dibadda ee si rasmi ah loo aqoonsan yahay, wuxuuna muhiim u yahay hawlgallada fog ee Ciidanka Badda Shiinaha, gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab.
Machadka CSIS wuxuu sheegay in casriyeyntan cusub ay Shiinaha siin karto awood uu kula socdo dhaqdhaqaaqyada milatari ee Maraykanka iyo dalalka kale, isagoo ka faa’iidaysanaya xogta laga helo jihada, halka ay ka imanayso, inta jeer iyo xawaaraha calaamadaha isgaarsiinta.
Qiimaha xog-ururinta saldhigga ayaa sii korodhay, gaar ahaan iyadoo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Badda Cas iyo hawlgallada Maraykanka iyo Yahuudda ee ka dhanka ah Iiraan ay kordhiyeen joogitaanka millateri ee Maraykanka ku leeyahay gobolka.
Guud ahaan, casriyeynta saldhigga Jabuuti waxay Shiinaha siinaysaa sida ay daraasaddu sheegtay, xarun isku xirta taliska, isgaarsiinta, xogta kombiyuutarrada, sirdoonka, kormeerka iyo sahanka oo horumarsan oo ku taalla meel istiraatiiji ah.
Center for Strategic and International Studies wuxuu qiray in dibu-habayntan iyo qalabkan lagu kordhiyey-ba ay saldhigga Jabuuti ka caawin karaan inuu si joogto ah ula socdo xaaladda milatari ee Bariga Dhexe iyo Afrika, isla markaana uu xog badan u diro xarumaha sirdoonka iyo taliska Shiinaha.

