Isagoo goob fagaare ah ka hadlayay ayuu Xamza Cabdi Barre R/wasaaraha kooxda Villa Soomaaliya shaaciyay in iyagu aysan aheyn dowlad sax ah balse ay isku muujiyaan in ay yihiin dowladda.
Wuxuu qiray in dalka Soomaaliya lakala qeybiyay islamarkaana waxa loogu yeero nidaamka Federaalka uu yahay mid kala qoqobay shacabka Soomaaliyeed.
R/wasaaraha kooxda Villa Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in isaga iyo saaxibkiis Xasan Gurguurte ay waddo qardajeex ah ku wadaan nidaamka siyaasadeed ee daba-dhilifyada dalka.
"Marka khiyaaliga laga baxo ee runta laga hadlayo, dowlad been ah oo been ku dhisan, oo leh hal dowlad baan nahay waa been, waa qabaa’il iyo xuduudo qabaa’il, dowladnimada dhabta ah waa in aynu aadn, meesha aynu ku suconana weligeen dowlad kuma gaarayno, waa hoggaamiye maran oo eber ah…” Ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.
Hadalkan kasoo yeeray mid kamida madaxda kooxda Villa Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli khilaafyo ay ragaadiyeen maamullada ku midaysnaa waxa loogu yeero nidaamka federaalka isla markaana ay siyaasiyiinta mucaaradka ah tafaha uga dheganyihiin Xasan Gurguurte.
