Burundi oo xusul-duub ugu jirta siday ciidamadeeda uga daad-gurayn lahayd Soomaaliya.

Thursday November 12, 2026 - 16:07:28
MeMO Staff
Warbaahinta Faransiiska ee Africa Intelligence, ayaa sheegtay in dowladda Burundi ay dedaal ugu jirto sidii ay ula bixi lahayd ciidamadeeda ka hor dhammaadka AUSSOM, kadib markii uu millateri ahaan iyo dhaqaale ahaanba uu u fashilmay hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Warbixintu waxay ka sanqarisay in Burundi ay si gaar ah u wajahayso caqabado waaweyn oo dhinaca saadka iyo dhaqaalaha ah si ay ciidamadeeda dib ugu celiso dalkooda, maadaama ay horeyba u shaacisay in ciidamadeeda ay la baxayso.

Burundi ayaa la sheegay inay ka walaacsan tahay go’aanka Maraykanka ee ah inuu soo hormariyey joojinta taageerada uu siinayay Xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sida warbixintu xustay, dowladda Burundi ayaa si weyn ugu tiirsan xafiiska UNSOS, kaas oo taageera dhammaan howlgallada ay fuliyaan murtazaqada Afrikaantu, oo ay ku jirto dib-u-celinta ciidamada marka ay Soomaaliya ka baxayaan.

Saldhigyada ciidamada Burundi ku sugan yihiin oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa ka dhigaya ka bixitaankooda mid dhinaca saadka iyo gaadiidka ka adag kan Kenya ama Itoobiya, kuwaas oo ciidamadooda lagu daabuli karo gawaari, halka Burundi ay u baahanayaan diyaarado.

"Markii loo gudbay howlgalka AUSSOM oo dhaqan galay 1-dii Janaayo 2025, waxaa horay loo soo qaaday su'aasha ah in Burundi ay sii joogayso howlgalka iyo in kale…” Ayay tiri warbixintu, iyadoo intaa ku dartay in xilligaasi la qorsheeyey in ciidamada Burundi lagu bedelo kuwo Masaari ah.

Go’aanka ah ku biirista Masar ee howlgalka, ayay xogtu sheegtay inay ka caroodeen dalalka Burundi iyo Itoobiya, inkastoo markii dambe Qaahira gaabis ka muujisay dirista ciidamadeeda Soomaaliya, maadaama culaysyo dhaqaale hareeyeen AUSSOM.

Sida ay ka sanqarisay warbixintu, marka laga soo tago hubanti la'aanta dhinaca dhaqaalaha, waxaa sidoo kale la sheegay in xaaladda adag ee saldhigyada ciidamada Burundi ay sabab u noqotay in Qaahira ay ka caga-jiiddo inay ciidamadeeda u dirto dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences