Dowladda Uganda ayaa u muuqata inay xamili la'dahay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo usbuucyadii u dambeeyey soo gaaray ciidamadeeda, xilli dhaqdhaqaaqyo bixitaan ay ka wadeen deggaanno dhaca gobolka Shabeellaha hoose.
Jimcihii shalay ayay dowladda Uganda sidii weligeedba caadada u ahaan jirtay beenisay wararka sheegaya khasaaraha soo gaaray ciidamadeeda isku diyaarinaya inay ka baxaan Soomaaliya, iyadoo qirtay in wararkaasi ay si weyn ugu faafeen baraha internet-ka.
Dennis Katungi, oo ah ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda ee Uganda Media Center, ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Kampala in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, oo ay faafinayaan jihaadiyiinta Al-Shabaab.
"Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa beeniyey wararka lagu faafiyey internet-ka ee sheegaya in ciidamadooda lagu weeraray Soomaaliya, askarna lagu dilay,” ayuu yiri Katungi.
Kadib markii Uganda ay ku dhawaaqday go’aanka ay ku shaacisay in ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya, waxaa isla markiiba bilowday dhaqdhqaaqyo u muuqdo kuwo ay ciidamada Uganda ugu diyaar-garoobayaan sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen.
Walow ay jireen cutubyo lagu bilaabay bixitaanka oo dalkooda dib loogu celiyey, haddana cududda ciidamada Uganda weli waxay ku jiraan diyaar-garow bixitaan, waxaanay labadii usbuuc ee lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen kasoo gaaray khasaare kala duwan.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, ugu yaraan 30 askari oo Ugaandhiis ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday, qaraxyo dhowr jeer lala beegsaday xilli iyagoo kolonyo ah ay ku gudo-jireen dhaqdhaqaaqyo ay ku sheegeen bixitaanka oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen Sh. hoose.
Kolonyadan oo sidoo kale laga gubay tobanaan gaadiid ah oo u badan Taw, ayaa muddo ku dhow labaatan cisho kusii jiray jidka ayaa dhowr cisho ka hor gaaray degmada Baraawe, waxaana la filayaa in halkaasi ay kasoo daabulaan ciidamada Uganda iyo sidoo kale agabka millateri ee aaggaasi yaalla.
