Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacmeen, kadib markii uu kusoo dumay dhisme.
Dhacdada ayaa timid markii roobab dabeylo wato ka da'een deegaanka, kaasi oo keenay in uu dumo dhisme darbi ah iyo guryo kuyaal deegaanka Lafoole, gaar ahaan Kaam barakac.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin hooyo iyo caruurteeda, sidoo kale waxaa dhacdadan ku dumay guryo iyo darbi in uu shub ka sameysan yahay la sheegay, kuwaas u adkeysan waayay dabeysha la socotay roobka.
Qaar ka mid ah ehellada iyo dadkii waxyeellada kasoo gaartay dhacdada ayaa yiri "Dabaylaa timid, darbiganaa hal mar nagu soo dumay. Kollay qadartaa nagu timid. Aniga sintan iyo lugtanay wax iga gaareen, dad ku dhintayna way jiraan oo ilaa 4 ruux ah…”
