Khubaro UN-ka ah oo ka horyimid xilka-qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Saturday November 14, 2026 - 13:05:26
MeMO Staff
Khubarada waxa loogu yeero Qaramada Midoobay u qaabilsan waxa ay ku sheegaan xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabada ay kooxda Villa Soomaaliya dhawaan xilka kaga qaadday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Bayaan lagu daabcay bogga rasmiga ah ee ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka, ayaa lagu sheegay in go’aanka Gurguurte xilka uga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu yahay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaya habraacyada dastuurka iyo madax-bannaanida hay'adaha garsoorka.

Waxay tilmaameen in go'aanka aan loo marin ansixinta Baarlamaanka ama soo-jeedin ka timaadda Guddiga Adeegga Garsoorka, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso sarreynta sharciga iyo madax-bannaanida garsoorka.

Waxa kale oo khubarada UN-ku ay sidoo kale walaac ka muujiyeen magacaabista guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda oo dhacday maalmo gudahood markii xilka laga qaaday Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo sheegay in tallaabadaasi aysan waafaqsanayn habraacyada sharci ee lagu maamulo magacaabista garsoorayaasha.

Khubaradu waxay sidoo kale ku baaqeen in Baashe Yuusuf Axmed dib loogu soo celiyo xilkiisa, ciidamada ammaankana laga qaado xarunta Maxkamadda Sare, isla markaana dib loogu soo celiyo ilaaladii gaarka ahayd ee laga qaaday garsoorayaasha.

5-tii Nofeembar, shan garsoore oo Maxkamadda Sare ah ayaa go'aamiyay in muddo-kordhintu sharci-darro tahay, isla markaana muddo-xileedyadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhammaadeen. Waxay amreen in doorashooyin la qabto 90 maalmood gudahood.

Garsoorayaashu waxay sidoo kale ku dhawaaqeen in xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ay ahayd mid aan waafaqsanayn dastuurka, isla markaana loogu talagalay in lagu hor istaago dhageysiga dacwadda muddo-kordhinta.

Sida lagu xusay bayaanka khubarada UN-ka, Villa Soomaaliya waxay diidday fulinta go'aannadaas, beddelkeedana waxay boqolaal ka tirsan askarta ammaanka geysay xarunta Maxkamadda Sare si ay u carqaladeeyaan una cabsi geliyaan garsoorayaasha.

Waxa kale oo la sheegay in toddoba garsoore laga qaaday ilaaladii amniga ee gaarka ahayd, lagana mamnuucay inay safraan, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira ammaanka garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee DF Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences