Dowladaha Reergalbeedka oo cadaadisyo saaraya kooxda Villa Soomaaliya.

Thursday November 12, 2026 - 07:02:44
MeMO Staff
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa wadda cadaadisyo siyaasadeed oo ka dhan ah kooxda Villa Soomaaliya waxaana Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa loogu goodiyay in dhaqaalaha laga jaran doono haddii aysan heshiis siyaasadeed la gaarin mucaaradka.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kulamo gaar gaar ah la yeelatay mucaaradka ayna ku wargelisay in Xasan Gurguurte ay geyn doonto miiska wadahadallada waxayna ka codsatay madaxda mucaaradka in ay hoos u dhigaan eedaymaha ka dhanka ah xukuumadda Ankara.

Safiirka Turkiga ayaa saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho kula kulmay Xasan Cali Kheyre, Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, sidoo kale warar soo baxay ayaa sheegaya in waxa loogu yeero Bankiga adduunka uu joojin doono kabka miizaaniyadda ee uu siiyo DF Soomaaliya sababa laxiriira isagoo aan aqoonsaneyn muddo xileedka Xasan Sheekh.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyana ugu goodiyay xukuumada Muqdisho in laga qaadi doono tallaabo siyaasadeed iyo kuwa maaliyadeed haddii ay heshiis la gaari waydo mucaaradka ka hor 20ka bishan November.

Cadaadisyadan waxay sii xoogeysteen wixii ka dambeeyay weerarkii deegaanka Jameeco ee dhacay dabayaaqadii bishii hore kolkaas oo kooxd Al Shabaab ay laayeen boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, iyagoona ka furtay gaadiid gaashaaman.

Qoob-gariir dhan walba ah ayaa usoo galay kooxda Villa Soomaaliya iyo dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duullay, kuwaas oo ka cabsi qaba in jihaadiyiintu ay dalka la wareegaan marka ay ciidamada afrikaanta isaga baxaan Muqdisho iyo hareeraheeda.

Related Items

Update cookies preferences