Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacay kulan lagu sheegay xasaasi oo u dhaxeeyay madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada gummeysiga la shaqeeya.
Kulanka oo ahaa mid looga arrinsanayay qodobada looga hadlayo shirka weyn ee lafilayo in uu dhowaan dhinacyada dhaxmaro ayaa la sheegay in uu kusoo idlaaday isfahamwaa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Max'med Cabdullaahi Farmaajo uu madaxda maamul goboleedyada ugudbiyay aragtidiisa ku saabsan qaabka ay noqonayso doorashada soo socota oo murun badan ka taaganyahay.
Farmaajo ayaa doonaya in dowladdiisu ay qaban qaabiso doorasho qof iyo cod ah taasi oo ay gaashaanka udaruureen madaxda maamul goboleedyada, rabintaanka Farmaajo ee qaabka doorashadan ayay madaxda maamulladu rumeysanyihiin in uu ku hoos duuganyahay waqti kororsi.
Magaalada Dhuusamareeb waxay laciir ciiraysaa ciidamo farabadan oo kala taabacsan hoggaamiyaasha ku sugan xarunta maamulka Galmudug, lama oga sida siyaasiyiintan dabadhilifyada ah ugu heshiin karaan doorasho madaxtinimo iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo dhaxdooda ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
