Ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Eretariya oo is dhaafsaday weerarro hor leh.

Sunday November 15, 2026 - 08:42:22
MeMO Staff
Weeraro culus oo ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Eritrea is dhaaf-sadeen ayaa lasoo wariyay inay ka dhaceen agagaarka magaalada Badme oo ah aag xuduudeed ay labada dowladood ku muransanyihiin.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Anaadool oo soo xiganaysa laba diblomaasi oo xog-ogaal u ah xaaladda amni, ciidamada Itoobiya ayaa weerarka u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, halka ciidamada Eritrea-na adeegsadeen madaafiic culus.

Diblumaasiyiinta, ayaa ka digay in iska horimaadyadu isu beddeli karaan dagaal ballaaran oo labada dal dhex mara, kaas oo haddii uu qarxo ay tilmaameen inaan la saadaalin karin cawaaqibka ka dhalan kara.

Dadka deegaanku waxay sheegeen qaraxyo waaweyn oo dhacay, waxay taasi keentay in ganacsiyadu xirmaan sidoo kalena qoysask ka baxaan guryahooda, ciidamada millatariga ee dowladda Itoobiya ayaana la arkay inay aad u kordjiyeen wujuudkooda nawaaxiga magaalada.

Ciidamada Itoobiya ayaa lasoo wariyay inay ku suganyihiin inta u dhexeysa Sheraro iyo Badme, halka ciidamada Eritrea ay iyaguna joogaan duleedka magaalada, magaalada Badme-na ma jiro labada dhinac cid si toos ah u maamusha sida ilo wareedyadu sheegeen.

Magaalada weeraradu ka dhaceen ee Badme oo ku taalla xadka labada dal, ayaa ahayd xudunta dagaalkii dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo Eritrea intii u dhaxaysay 1998–2000, kaas oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.

Related Items

Update cookies preferences