Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisey inay ciidamadeeda kala baxday saldhigga Ballidoogle eek u yaalla gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Taliye-ku-xigeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loogu yeero AFRICOM, Jeneraal John Brennan, ayaa sheegay in inta badan ciidankii millateriga ee ka hawl-galayay saldhigga Balli-doogle loo wareejiyey magaalada Muqdisho.
Bixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga Balli-doogle, ayuu taliye ku-xigeenka AFRICOM ku sababeeyey arrimo dhaqaale, isaga oo sheegay in Maraykanku aanu awoodin inuu tobannaan milyan oo doollar ku bixiyo dayactirka dhabbaha diyaaradaha oo uu sheegay in uu burburay.
"Go'aanka aan Balli-doogle uga guurnay wuxuu ahaa mid boqolkiiba 100 ku salaysan arrimo dhaqaale," ayuu yiri taliye-xigeenka taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, mar uu Talaadadii shalay kulan la yeeshay warbaahinta, kaas oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Bixitaanka AFRICOM ee saldhiggan ayaa noqotay mid lama-filaan ah, maadaama ilaa bishii May 2025, Maraykanku uu maalgelinayey dhismaha hoyga ciidamada, xarumo caafimaad iyo hagaajinta amniga saldhigga, kaas oo loogu talagalay in Balli-doogle laga dhigo saldhig Maraykanku muddo dheer sii joogo, sida uu qoray wargeyska Maraykanka ee Stars and Stripes.
Si kastaba ha ahaatee, Cameron Hudson oo horey ula soo shaqeeyey hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Balli-doogle uu kusoo aaday xilli isbedello waaweyn oo dhanka amniga ah ay ka jiraan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhaca Koonfur Galbeed.
Laba Usbuuc ka hor ayay ahayd markii ciidamada Maraykanku isaga qaxeen saldhigga Balli-doogle, xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab weerar ba’an oo cag-marin ah ay ka fulisay agagaarka Jameeco ee gobolka Shabeellaha hoose, kuna dishay boqollaal askari oo ka tirsanaa ciidanka DF Soomaaliya.
