Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa khasaaraha weerar loo adeegsaday ilaa 4 qarax oo sida la sheegay ay fulisay kooxda Al-Shabaab, kaas oo maalinnimadii shalay lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka sirdoonka ee DF, gaar ahaan kuwa loogu yeero Duufaan.
Ciidankan oo lagu qarxiyey duleedka deggaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, laga gubay laba gaari oo Cabdi Bile ah. Iyadoo dhanka kalena uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidanka dowladda.
Inta la xaqiijiyey weerarkaasi waxaa ku naf-waayey ugu yaraan 4 askari oo uu ka mid ahaa sarkaal taliye Urur ah oo lagu magacaabi jiray Yoonis Cali. Geesta kalena waxaa isla goobtaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 7 askari oo kale.
Weerarkan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu bartilmaameedsadao ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalka Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada carro-tuurka u ah ee hoos-taga dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
