Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku jooga heshiiska laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hawshaasi la soo gabagabayn doono maalmaha soo socda.
War-saxaafadeed uu maanta oo Isniin ah, magaalada Kampala ka soo saaray Afhayeenka Ku-simaha ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, Janaraal Chris Magezi, ayaa lagu sheegay in ciidamadii ugu horreeyay ee qaybta ka ahaa qorshaha ka bixitaanka ay durba dib ugu laabteen Uganda.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Uganda ay qorshaynayso inay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala baxdo dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa ku hawl-gala mashruuca AUSSOM, iyadoo la filayo in hawshaasi la dhammaystiro sannadka 2027.
Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa sheegtay in tallaabadani ay soo afjari doonto hawlgalladii ciidamada Uganda ay Soomaaliya ka wadeen muddo 20 sano ah, isla markaana saldhigyada ay ka baxayaan ay si buuxda ugu wareejin doonaan ciidanka dowlada federaalka.
Go'aankan ayaa ka dhigan in qorshaha Uganda uu yahay in gebi ahaanba ay soo afjarto joogitaankeeda milletari ee Soomaaliya, iyadoo marka hore la dhammaystirayo ka bixitaanka ciidamada ku jooga heshiiska laba geesoodka ah, ka dibna lagu xigsiinayo kuwa AUSSOM.
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii madaxa Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu weji-gabax kala kulmay safar uu ku tagay Uganda, kadib markii sida la sheegay uu Yuweri Museveni si cad ugu war-geliyey in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya.
Sidoo kale Gurguurte ayaa la xaqiijiyey in maalintaasi uu la kulmay bahdilaad aad u fool-xun, kadib markii akoonka madaxweynaha Uganda lagu baahiyey sawirka Gurguurte oo u rukuucsan Museveni, kaas oo weliba lagu gacan-sayray codsi uu gudbistay oo ahaa in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.
