Taliska millateriga kooxda Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen xalay ku sheegay in diyaaradaha Turkigu ay duqayn la beegsadeen goob lagu hayey qayb ka mid ah maxaabiistii ciidanka DF ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellada hoose.
"Goobta ay duqayntu ka dhacday oo ku taalla duleedka Leego ayaa waxaa lagu hayay 15 ka tirsan maxaabiista askarta dowladda oo dhaawac ah, halkaas oo ay jihaadiyiintu si ku-meel-gaar ah ugu dabiibayeen, inta looga gudbinayo goobo caafimaad oo rasmi ah…” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida lagu xusay warsaxaafadeedka kooxdu ay soo saartay, ugu yaraan 15 maxbuus oo dhammaantood ahaa ciidamada Gorgor ee Turkigu tababaray ayaa ku naf-waayay duqayntan ba’an ee ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Ankara.
"Diyaaradaha Turkida ayaa saddex gantaal ku dhufatay askartii maxaabiista ahayd ee dhaawacyada qabtay, kuwaas oo 12 ka mid ah ay goobta ku dhinteen, halka 3 kale oo dhaawacoodu aad u darnaa nolol goobta looga qaaday, balse xilli dambe u dhimteen dhaawacyadii ka soo gaaray duqaynta…” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxa kale oo warsaxaafadeedka lasoo raaciyey sawirrada qaar ka mida maydadka askartii maxaabiista ahayd ee ku qur-baxay duqaymaha Turkiga, kuwaas oo qaarkood laga dheehan karo sida ba’an ee jirkoodu u googo’ay, iyo sida uu dhiiggu u qariyey tuutihii ay xirnaayeen.
Sawirrada oo dhamaystiran iyo sidoo kale warsaxaafadeedka ay kooxdu kasoo saartay arrintan, waxaad kaga bogon kartaa linkigaN, [GUJI HALKAN].
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii in ka badan 800 oo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalku ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaal culus oo ka qarxay duleedka Leego sida kooxda Al-Shabaab ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay Arbacadii shalay.
