Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo lagu weeraray Lamu, Gedo & Mudug.

Sunday November 01, 2026 - 17:36:48
MeMO Staff
Hawl-gallo kala duwan oo sida lasoo wariyey ay fulisay kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay gobollada Mudug, Gedo iyo sidoo kale gobolka Laamuu oo ka tirsan dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Goblka Mudug, waxaa ka dhacay maanta oo Axad ah, qarax culus oo lala eegta ciidamada dowladda xilli iyagoo wata gaari Cabdi Bile ah ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa deggaanka Ceelhuur iyo magaalada Xarardheere.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 askari, oo ka mid ahaa ciidanka la weeraray, kuwaas oo sida aanu xog ku helnay, lagu kala magacaabi jiray C/Risaaq Khaliif iyo Maxamed Giriig.

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, waxaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo lagu miray ciidamada dowladda ee ku sugan xerada ciidanka ee degmada Ceel Waaq.

Gobolka Laamuu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa isna ka dhacay maalinnimadii shalay, weerar culus oo lagu ekeeyey xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Sariiraha.

Weerarradan oo kusoo aadaya xilli kala-guur ah, ayaa qayb ka ah hawl-gallo si joogta ah loogu bartilmaameedsadao ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences