SAWIRRO: Cirro oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey safiir-ku-sheeg Yahuudi ah.

Sunday November 01, 2026 - 14:25:01
MeMO Staff
Madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, C/Raxmaan Cirro ayaa wax loogu yeeray waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey safiir-ku-sheeg uu maamulka Yahuuddu u soo magacaabay gobollada gooni-goosadka ah ee waqooyi galbeed Soomaaliya.
Munaasibad lagu qabtay qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ayaa Cirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisu ay ku qaabileen Michael Lotem oo ah safiir-ku-sheegga Yahuuddu u soo magacowday Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay astaan u tahay xoojinta xiriika diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada shacab ee Sahaayinada iyo Somaliland.

Cirro wuxuu carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay dhismaha xiriir ku salaysan wax uu ku tilmaamay dano-wadaag, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo xeebaha istaraatiijiga ah ee Somaliland.

Sida bayaanka Somaliland lagu xusay, Michael Lotem oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu si weyn uga shaqayn doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo waxbarashada.

"Labadeenuba waxaynu wajahaynaa caqabado kala duwan oo dhinaca amniga ah, hase yeeshee waxaynu wadaagaan aragti istaraatiijiyadeed oo ku wajahan sugidda nabadda iyo xasilloonida..." Ayuu yiri Lotem.

Waxa kale oo uu xusay in uu ku dedaali doono sidii maamulka uu metelo ee Yahuuddu uu u gaari lahaa guulo la taaban karo oo salka ku haya himilooyinka iyo danaha Sahaayinadu ka leeyahay gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya.

Sida laga dheehan karo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada, safiir-ku-sheeggan ayaa xalay si weyn loogu soo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo laga taagay calanka Yahuudda, lagana qaaday heesta astaanta u ah Sahaayinada.

Markii ay dhammaatay munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga, waxaa dhagax-dhig loo sameeyey dhismaha safaarad-ku-sheeg cusub oo Yahuuddu doonayso inay ka hir-geliso Hargeysa, sida warbaahinta Yahuuddu ay maanta daabacday.

Dabayaaqada 2025 ayay ahayd markii R/Wasaaraha Yahuuddu uu maamulka Hargeysa u aqoonsaday dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, xilli Sahaayinadu ay saldhigyo millateri ka samaysatay magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.

Related Items

Update cookies preferences