Itoobiya oo lagu eedeeyey inay waddo xasuuq ka dhan ah shacabka Tigray.

Monday November 02, 2026 - 11:06:56
MeMO Staff
Bayaan TPLF ay maanta soo saartay ayay ku eedaysay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed inay weerarro isdaba joog ah ku hayso shacabka Tigray, kuwaas oo ay sheegeen in loo adeegsanayo madaafiic culus, diyaarado dagaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
TPLF waxay sheegtay in weerarradaasi ay sababeen dhimashada dad rayid ah, iyadoo si gaar ah u xustay duqeymo ka dhacay deegaanka Jila iyo magaalada Rama. Waxay sidoo kale muujisay inay si weyn uga xun tahay dhibaatada uu Abiy Axmed ku haya shacabka Tigray.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 24-ka Oktoobar ay lix sano ka soo wareegtay markii uu billowday dagaalkii Tigray, isla markaana muddadaas shacabka gobolka ay la kulmeen dhimasho, macaluul iyo cudurro.

TPLF waxay ugu baaqday shacabka Tigray inay xoojiyaan halganka, isla markaana taageero dhinaca cududda dadka, sahayda iyo taageerada dambe ah siiyaan jabhaddooda si ay u xaqiijiyaan jiritaankooda iyo amnigooda.

Waxay sidoo kale ku baaqday in lala xisaabtamo dadka ay ku eedeysay inay mas'uul ka yihiin dambiyada ka dhanka ah shacabka Tigray, iyadoo hay'adaha sheegta xuquuqda aadanaha iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ka dalbatay inay ka hor yimaaddaan falalkan gurracan.

Related Items

Update cookies preferences