AUSSOM oo walaac ka muujisay bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Monday November 02, 2026 - 17:51:38
MeMO Staff
Ciidanka duullaanka ku jooga Soomaaliya ee ka socda Midowg Afrika ee isbahaysiga AUSSOM ayaa walaac xooggan ka muujiyey gacan-ku-heynta deggaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha hoose, haddii ay baxaan ciidamada Uganda.
Sida ay sheegtay Reuters, warqad lagu muujiyey welwelka xooggen ee ka jira Shabeellaha hoose ayay AUSSOM ay sabtidii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegnayd 31-kii October 2026, u dirtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada ciidamada Afrikaanta ee UNSOS.

Warqaddan oo sida Reuters ay sheegytay ay xaqiijiyeen laba diblomaasi, ayuu hawl-galka AUSSOM kaga digay in bixitaanka ciidamada Uganda uu qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose u horseedi karo inay u nuglaadaan weerarrada Al-Shabaab.

"Xaaladdu hadda ma aha mid aad u daran, balse waxay dhibaatooyin abuuri kartaa haddii ciidamadoodu ay si kedis ah dalka uga baxaan…” Sidaas waxaa isna Reuters u sheegay Cali Cumar oo ah Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee DF Soomaaliya.

Qaylo-dhaantan kasoo yeeraysa AUSSOM, ayaa soo ifbaxaysa xilli ciidamada Uganda ay bixitaankooda si rasmi ah u bilaabeen jimcihii lasoo dhaafay, isla markaana Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ay maanta xaqiijisay in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences