Gurguurte oo ku adkaystay doorasho qof & cod ah, diidayna talooyin loo jeediyey.

Tuesday November 03, 2026 - 16:10:09
MeMO Staff
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maraysa marxaladdii ugu xumeed siyaasad ahaan tan iyo dhammaadkii sanaddii 2008-dii kolkaas oo uu iscasilay Cabdullaahi Yuusuf Axmed ciidamada Itoobiyana billaabeen in ay dalka isaga baxaan.
Itoobiya ayaa xilligaas aheyd tiirka 1aad oo ay ku taagneed dowladdii Kumeelgaarka aheyd,hadda wax taas u eg ayaa taagan waxaana dib ugurasho billaabay ciidamada shisheeyaha midowga Afrika kuwaas oo ka baxaya dhowr magaalo oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka ayaa iskumari la’ hanaanka doorashooyinka murunka badan dhaliyay, Xasan Gurguurte wixii uu xarig dheeraystaba hadda wuxuu soo gaaray isgoys ay adagtahay in uu dhagar iyo ismaahin uga gudbo waxaana muuqata in darbiga uu madaxa ku dhufsan doono.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ilo wareedyo dhowr ah, kuwaas oo lagu kalsoon yahay isla markaana xilal sare haya ayaa xaqiijiyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo cadaadis xooggan oo ku aaddan inuu xilka ka dego, islamarkaana oggolaado wadahadal dhab ah oo loo dhan yahay, kaas oo horseedi kara xal degdeg ah, laguna soo afjaro ismari-waaga ba’an ee ka taagan doorashooyinka halka dhinac uraran.

Markii ugu horreysay cadaadiska gudaha ka imanaya wuxuu ka soo baxayaa dadkii ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo iminka ogaaday in xaaladdu faraha ka bixi doonto haddii aan laga tanaasulin doorashada loo bixiyay qof iyo cod.

Waxaa la sheegayaa in siyaasiyiin dhowr ah oo xilal sare haya iyo hoggaamiyeyaal dhaqameed si aad ah ugu dhow madaxweynaha ay kulammo badan la yeesheen iyagoo isku dayaya in ay ku qanciyaan inuu ka tanaasulo qorshihiisa doorashooyinka tooska ah islamarkaana heshiis siyaasadeed la gaaro mucaaradka.

Hoggaamiyeyaashu waxay uga digeen in dalku marayo marxalad aad u khatar badan, in dulqaadkii shacabka sii dhammaanayo, islamarkaana xaaladda hadda taagan aanay sii socon karin.

Waxaa la sheegayaa in Xasan Sheekh uu si weyn uga cawday xulafadiisa isagoo ku eedeeyey in ay ka tageen xilli uu ugu baahnaa taageeradooda.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu muujiyey "yaab” iyo "niyad-jab” markii la hor keenay warbixinno lagu kalsoon yahay oo muujinaya in taageeradiisa shacabka ay sii yaraanayso ayna ciidamada qaar ay diyaar uyihiin in ay diidaan awaamirtiisa.

Tani ma aha calaamad wanaagsan, waxayna muujinaysaa in Xasan Sheekh uu weli ku jiro xaalad is-difaac ah wuxuuna dhayalsanayaa baaxadda weyn ee dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Waxaa kale oo la sheegay in qaar ka mid ah dowladaha reer Galbeedku ay hadda u arkaan inaysan jirin doorasho kale oo aan ahayn in ay cadaadis saaraan Xasan Sheekh si uu u aqbalo dhismaha guddi ku meelgaar ah oo hawsha kala-guurka maamula kaas oo jebinaya ismari-waaga dalkana dib ugu celinaya waddadii loo mari lahaa doorasho lagu kalsoonaan karo iyo isbeddel hoggaamineed oo dhaca sannadka 2027.

Burburinta Xasan Sheekh ee qaabdhismeedkii awoodda fulinta ee labada dhinac iyo awoodda oo uu hal meel ku ururiyey waxay meesha ka saareen nidaamkii hore ee is-xakamaynta iyo isu dheellitirka awoodaha iyo hababkii waxku oolka ahaa ee lagu maareyn jiray xasaradaha, kuwaas oo dowladnimada u ahaa marin badbaado xilliyada adag.

Fikradda ah in la dhiso guddi farsamo-yaqaanno ah oo maamula kala-guurka kaas oo uu hoggaamiyo siyaasi ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoonaan karaan.

Mahad Salaad oo ah taliyaha Nabad Sugidda kana mid ah saraakiisha sida aadka ah ugu dhow Xasan Gurguurte ayaa safar ku aaday magaalada Al Qaahira ee dalka Masar isagoo madaxda wadankaas gaarsiinaya farriin dhanka amniga iyo siyaasadda ah.

Walaaca ugu badan ee siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa xilalka haya muujinayaan ayaa ah in dalka ay jabhado hubaysan ka billaawdeen, in cidamada Yugaandha ay kabaxayaan illaa 4 magaalo oo katirsan Sh/hoose, waxaa kale oo suuragal ah in ciidamada Itoobiya ay faarujiyaan gobollada Gedo,Baay iyo Bakool.

Diblumaasiyiin reergalbeed ah ayaa usheegay saraakiisha ammaanka DF-ka in wax lamid ah dhacdadii Afghanistan ay suurtagal ka tahay Soomaaliya maadaama dowladaha shisheeye ku daaleen taageerada maaliyadeed ee ciidamada Afrikaanta ah Al Shabaabna ay isku diyaariyeen qabsashada dalka iyagoo lasoo baxay isbedello siyaasadeed oo aan hore loogu aqoonin sida heshiisyada ay lagelayaan beelaha waaweyn ee dalka.

Related Items

Update cookies preferences