Aadan Madoobe oo ka qeyla-dhaamiyay ciidankii lagu laayay duleedka Leego.

Wednesday October 28, 2026 - 06:12:32
MeMO Staff
Aadan Madoobe oo ah madaxa maqaar-saarka ah ee maamulka Koonfur-galbeed, ayaa shalay shir deg deg ah isagu yeeray golihiisa wasiirraada, waxayna ka wada hadleen xaaladaha amniga ee maamulkaasi.
Isagoo kulankaasi ka hadlayay ayuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hakad gelisay hawl-gal ay ciidanka dowladda federaalku ka wadeen gobolka Shabeellaha hoose.

Madoobe oo weerarkan si weyn uga qeyla-dhaamiyay, ayaa wasiirrada maamulkiisa faray inay xafiisyada ka baxaan xaaladda culus ee uu wajahayo maamulkisia darteed, maadaama ciidamadii dowladda lagu soo afjaray duleedka magaalada Leego.

Howlaha ugu horreeya ee golihiisa wasiirrada horyaal ayuu ku sheegay inay yihiin la-tacaalidda jihawareerka amni ee haysta maamulkiisa, wasiirradana wuxuu ku canaantay inay arrimahaasi xoogga saaraan.

Weerarkii ka dhacay duleedka magaalada Leego ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa lagu laayay ciidan tiro-beel ah, oo ilaa hadda dadka qaar ay dhimashada oo keliya gaarsiinayaan 500 oo askari.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences