Faahfaahinno dheeraad ah ayaa marba marka ka damaysa kasoo baxaya khasaaraha ciidanka dowladda federaalka ku gaaray dagaal culus oo shalay ka qarxay nawaaxiga deggaanka Jameeco oo dhaca duleedka magaalada Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.
Xaaladda goobihii shalay dagaalku ka dhacay, ayaa saaka deggen, waxaana si buuxda gacanta ugu haya xoogagga Al-Shabaab. Dadka deggaanka ayaa soo tebinaya in ay arkeen maydad fara badan oo ka tirsan askarta dowladda oo bilqan goobihii lagu dagaallamay iyo agagaarkooda.
Sidoo kale dadka deggaanku waxay soo sheegayaan inay arkeen burburka gaadiidkii ay wateen ciidankii dowladda ee lagu jebiyey dagaalkii shalay. Iyadoo Al-Shabaab ay xalay baahisay sawirro laga dheehan karo khasaaraha baaxadda leh ee gaaray ciidanka Gurguurte.
Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku ekeeyeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka oo dhawaan kasoo ruqaansaday caasimadda Muqdisho, kuwaas oo jidka kusoo jiray muddo dhowr cisho ah.
Bayaan kasoo baxay taliska millateriga Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay tirakoob horu-dhac ah oo muujinaya khasaaraha ciidanka dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 321 askari, isla markaana tiro intaas ka badan lagu dhaawacay hawl-galkaasi.
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo xarakadu xustay in ay intaasi kasii badan karaan, maadaama tirakoobku horu-dhac yahay, ayaa dhanka kalena nolosha lagu qabtay askar maxaabiis ah, halka hub iyo gaadiid fara badanna jihaadiyiintu ay gacanta ku dhigeen.
Qaaqlayaasha baraha bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u tebinayay, in ay jiraan askar iyo saraakiil fara badan oo lagu laayay dagaalkan, iyagoo qaarkood ay sheegeen in dhimashada ciidanka dowladdu ay sii marayso inta u dhaxaysa 500 ilaa 800 askari.
Taliyihii hore ee ciidanka uu Maraykanku tababaray, isla markaana uu ku shaqaysto ee Danab oo lagu magacaabo Carab Dheeg, ayaa qoraal si dadban u muujinayay jabka soo gaaray ciidanka dowladda kusoo qoray bartiisa Facebook, waxaanu yiri "Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa".
Taliye-ku-xigeenka ciidanka booliska ee dowladda federaalka haweenayda lagu magacaabo Zakiya Xuseen, ayaa iyaduna barteeda baraha bulshada soo dhigtay qoraal catow ah, oo ay ku muujinayso in meesha ay ka dhaceen wax aysan marnaba filayn, waxaanay tiri "Sidaana ma inoo dhineed"
Warar weli aanaan xaqiijin ayaa sheegaya in maxaabiista gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay taliye sare oo ka tirsan ciidanka Danab, sida dadka qaar ay kasoo xigeen qar ka mid ah ciidamadii haraadiga ahaa ee kasoo badbaaday weerarkii Jameeco ee lagu laayay Danab iyo Gorgor.
Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in ay jiraan askar badan oo goor dambe oo xalay ah la laayay kadib markii iyagoo firxad ah jihaadiyiintu ay u dhigeen weerarro dhabbo-gal ah. Askartaasi waxaa ka mid ah kuwa iyadoo dhaawacan ay jidka kaga carareen ciidanka dowladdu.
Sidoo kale qarax ay fuliyeen jihaadiyiintu oo ka dhacay Siinka dheer ee duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay gaari nuuca gurmadka deg-degga ah oo waday dhaawacyada saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhaawacmay weerarkii shalay ee duleedka Leego.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 sarkaal oo dhaawac ahaan loo waday, halka uu burburay gaarigii la qarxiyey ee siday dhaawacyada.
Sawirrada hoos hoos ka muuqda iyo weliba sawirro kale oo dheeraad ah ka fiirso telegramka:
