Warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u tabinaysay weerarkaii lagu laayay ciidanka DF ee ka dhacay agagaarka Jameecada ee duleedka deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in ciidanka dowladda ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay khasaare baaxad leh kala kulmeen weerarkan.
Mid ka mid ah askarta badbaaday oo magaciisa ku sheegay Axmed ayaa Reuters u sheegay inuu ka qayb qaatay daadgureynta maydadka ugu yaraan 40 askari iyo in ka badan 100 dhaawac ah oo kale, kuwaas oo la geeyey isbitaallada ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Askari kale oo lagu magacaabo Faarax ayaa sidoo kale u sheegay Reuters, in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo ku burburiyeen baabuur millateri oo ay wateen ciidanka dowladdu.
Sidoo kale wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganaysa warsaxaafadeedkii kasoo baxay taliska millateriga Al-Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 321 askari, isla markaana kooxdu ay gacanta ku dhigtay maxaabiis, hub iyo gaadiid dagaal.
Si kastaba, inkastoo weli si rasmi ah loo xaqiijin, haddana wararka isa soo tarayaa waxay sheegayaan in khasaaraha dagaalkii shalay uu ka badan yahay tirada la sheegay isla markaana ay suurto-gal tahay in dhimashadu ay kor u dhaafto ilaa 500 oo qof.
Dadka baraha bulshada ka taageera dowladda federaalka, waxay qaarkood carabaabeen in dhimashadu ay kor u sii dhaafayso 700 oo qof, maadaama ilaa hadda ay jiraan boqollaal askar iyo saraakiil isugu jira oo weli la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
